4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Taliyaha ciidamada militariga Kenya oo difaacay ciidankiisa kadib markii ay soo food saartay fadeexad xatooyo ah
DSC_0153.jpg
Arbaco, October 23, 2013 (HOL) - Inkastoo muuqaalo laga helay kaamirooyinkii ku xirnaa xarunta Westgate ay muujiyeen ciidamada Militariga oo wata baco alaabo ay ku jirto ayaa Taliyaha ciidamada militariga dalka Kenya General Julius Karangi uu ku adkaystay in ciidamada militariga Kenya aysan waxba xadin markii uu socday weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate.

Gen Karangi oo su’aalo ay waydiiyeen guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga iyo ammaanka qaranka ayaa sheegay in bacaha ciidamadu ay wateen ay ku soo qaateen biyo ay cabbaan kadib markii ay ku oomeen dagaalkii ay kula jireen kooxdii gashay Westgate isagoo tilmaamay in ciidamada inay biyaha cabbaan uu amarkooda bixiyay taliyihii hogaaminiyay cutubkii loo diray inay fuliyaan hawlgalkii Westgate.

Dhaawac culus ayaa gaaray sumcada ciidamada qalabka sida ee Kenya markii warbaahintu ay soo daysay muuqaalo muujinaya ciidamada oo galaya goob kamid ah suuqii Westgate iyagoo wata qoryahooda kaliya, balse markii ay baxayeen watay baco u muuqday kuwo alaabo laga buuxiyay.

Taliyaha ciidamada Kenya oo markii su’aalaha la waydiinayay ay la socotay wasiiradda gaashaandhigga Raychelle Omamo ayaa sidoo kale difaacay ciidamada Kenya oo muuqaalo kale oo la helay ay muujiyeen inay galeen mid kamid ah dukaamadii dahabka ayna halkaas kala baxeen dahab, balse waxaa uu sheegay in ay ciidamadu heleen amar ah in dahabka laga saaro dukaamada si loo badbaadiyo.

Muuqaalo kale oo soo baxay ayaa iyana muujiyay ciidamada militariga oo galaya mid kamid ah dukaamadii taaleefoonada kalana baxay kartoomo taleefoono ah iyadoo dukaanka uu dhex yaalo qof u muuqda inuu mayd yahay oo dhiig badani ag daadsanyahay.

Dhacdadii Westgate oo ahayd weerarkii ugu xumaa oo Kenya lagu qaado tan iyo 1998 ayaa reebtay fadeexad markii ay soo baxeen muuqaalo muujinaya gabi ahaanba wixii goobtaas ka dhacay taasoo keentay in dadweynaha Kenya ay codsadaan in madaxweynuhu uu tallaabo ka qaado saraakiisha dhanka ciidamada Militariga iyo booliska oo lagu eedeeyay halkii ay la dagaali lahaayeen kooxihii meesha galay inay ku mashquuleen xaditaanka alaabadii goobta taallay taasoo keentay in 4 maalmood uu qaato hawlgalku.

Warar ay warbaahinta Kenya isla dhex marayso ayaa sheegaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka war sugayo guddi uu u saaray baaritaanka waxyaabihii ka dhacay xaruntaas, lana filayo inuu sameeyo isbadallo dhanka hogaanka ah markii ay soo baxaan natiijada baaritaanadaas.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya