4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Xildhibaan golaha wakiillada Somaliland ka tirsan oo sheegay in rasaas lagu furay iyo Jawaab uu bixiyay Ninkii Rasaaseeyay

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay in la rasaaseeyey, isagoo eedda dusha ka saaray wasiirka warfaafinta iyo wasiirku xigeenka amniga Somaliland.

Xildhibaan Qabile oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in nin ay isgaranayeen uu hadalo aflagaado ah ku yidhi  ka dibna markii uu iskaga tagayna uu dhawr xabadood ku riday,  inkastoo aanay ku dhicin waxna ku noqon.

“Anigoo meel tukaan ah ag jooga ayuu nin ii yimid markaasu igu yidhi waar raga hablaha inaga qaba maxaad lagaga kari waayey, ka dibna waan iska fuulay gaadhigaygii markaasuu saddex xabadood intuu igu riday iskaga cararay”ayuu yidhi xildhibaan Qabile oo ka hadlayey sida loo rasaaseeyey, waxaanu eedaashi dusha ka saaray inay ka dambeeyeen oo ay hooska ka hagaayeen wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse iyo wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor.

Haseyeeshee labadan wasiir ayaa sheegay in aanay arintaasi dhacay war ka hayn, isla markaana aanay ogeyn waxa ka dhexeeya labadan qof ee is rasaaseeyey.

Labadan wasiir ayaa sheegay inay warbaahintga ka maqleen dhacdadan oo aanay garanayn sababta uu xildhibaanku arrintaasi ugu eedeeyey, balse ay eedaasi iska difaaci doonaan.

Dhinaca kale, Tabaarik Maxamed Ducaale oo ah ninka lagu eedeeyey inuu rasaaseeyey xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa warbaahinta qaarkood u sheegay inuu  la kaftamay, isla markaana markii hadalkii ka xumaaday uu Xildhibaanku Baastoolad ula soo baxay, isaguna uu isku difaacay Baastoolad uu haystay oo uu  laba xabo oo Rasaas ahna uu kor ugu riday Mudane Qabile.

“Anagu Xildhibaan Qabile isku xisbi ayaanu ahayn oo UCID ayaanu wada ahayn, taas ka sokowna waxa jira Xisbi ka wayn waxaas oo dhan oo Reer-nimo la yidhaahdo”ayuu yidhi Tabaarik Maxamed Ducaale oo ah ninka lagu eedeynayo inu rasaas ku furay xildhibaanka, waxaanu intaas ku daray “ xildhibaan Qabile ayaa isoo garab istaagay anigoo gaadhi wata, ka dibna wuu I salaamay, markaasan ku idhi dee Xildhibaan imika bahashii Mucaaridada ahayd hoos baad ula yar dhaadhacday , waxaan intaas u raaciyey waar Hablo ayeynu leenahay dhaqana waynu lahayne Shaqsi Weerarka  maad iska daysid oo aad inaga daysid raga Odayada ah ee Hablaha inaga qaba ilayn garta ayaaba suuqa la inagaga heli doonaaye”

Ka dibna waxa uu sheegay inuu Baastoolad ula soo degay  xildhibaanku, hase-yeeshee uu iska difaacay oo uu  saddex xabadood kor ugu riday ka dibna uu iskaga tagay.

Si kastaba ha ahaatee, is rasaasayntan ayaa ah midku cusb guud ahaan Somaliland, isla markaana labadda dhinac midba  mid kale ku eedeynayo in laga gardarnaa oo uu Baastoolad loola soo baxay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland