4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Maanta Ansixiyay dhowr Qodob oo ka mid ah Xeer-hoosaadka Baarlaamaanka Somalia

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ansixiyeen qodobbo ka mid ah xeer-hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo wax ka bedel lagu sameeyay.

Mudanayaasha ayaa waxay ka doodeen qodobbadan oo maalintii shalay lagu guul-darreystay in cod loo qaado, waxaana doodaha kaddib la geliyay cod qodobbadan wax ka bedelka lagu sameeyay, waxaana xidhibaannadu ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen qodobbada qaarkood, halka kuwo kale ay diideen.

Qodobbada maanta la ansixiyay ayaa waxaa ka mid ahaa qodobka 75-aad oo ku saabsan codka kalasooni kala noqoqasyada xukuumadda, iyadoo lagu kordhiyay inaan laga laaban karin mooshin laga keenay xukuumadda iyo in aan la baahin karo inta baarlamaanku ka fariisanayo.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxay qodobkan ku meel-mariyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo gudddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mahad C/lla Cawad oo ansixinta kaddib hadlay uu sheegay in arrintan ay tahay casharro ay ka barteen kulammadii hore ee baarlamaanka.

“Arritan waa casharro laga soo bartay kal-fadhiyadii koowaad iyo labaad ee baarlamaanku yeeshay. Runtiina mooshin ka laabashadu waa mid sumcadda baarlamaanka dhaawacday. Mooshinno badan oo baarlamaanka la hor keenay ayaa dib looga laabtay,” ayuu yiri Cawad.

Sidoo kale, qodobbada wax laga bedelay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 84-aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka, iyadoo xildhibaannadu ay qodobka ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo ay jiraan qodobbo dhowr oo la diiday.

Dhawaanahan ayaa waxay xidhibaannada baarlamaanku waxay doodo adag   ka yeelanayeen qodobbada xeer-hoosaadka baarlamaanka oo wax ka bedel lagu sameeyay, iyagoo maalin ka hor diiday qodob ahaa in golaha wasiirrada mid-mid loo ansixiyo, inkastoo la sheegay in mar male loo codeyn doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya