4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay dhaawicii Tima-cadde iyo Afhayeenka Xukuumadda oo ku eedeeyay Al-shabaab

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareeyay dhawixii shalay loo geystay wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde, isagoo ku tilmaamay mid fool xun, xukuumadduna ay sharciga horkeeni doonto kuwii ka dambeeyay.

Mudane Saacid ayaa sheegay in falkaas uu yahay mid ka mid ah dhibaatada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu yahay mid ka baxsan bani’aadamnimada, EEBBANA ka baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo wariyaha.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo dhaawaca wariye Tima-cadde ku booqday isbitaalka Madiino ayaa sheegay in falalka noocan oo kale ah ay yihiin kuwo la doonayo in sawir qaldan looga bixiyo ammaanka Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u ballan-qaaday inay siinayso 50,000 o doolarka Mareykanka ah ciddii soo sheegta ama soo qabata qof dilay ama dhaawacay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

“Weerarkan waxaa ka dambeysay kooxda nabad-diidka ah iyo kuwo kale oo qas-wadayaal ah; kuwaasoo doonayay inay aamusiyaan warbaahinta xorta ah, balse dowladda waxaa ka go’an inay la xisaabtanto dhaqar-qabayaasha geysanaya dhaawacan,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan lagu dhaawacay wariye Tima-cadde ayaa haddana wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo bil ka hor Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah farsamo-yaqaannada Raadiyo Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sannadkan lagu dilay afar wariye iyadoo tiro kalena loogu geystay dhaawacyo kala duwan, iyadoo illaa hadda ay dowladdu xukun ku fulisay mid ka mid ah kooxihii Muqdisho ku dilay wariyeyaasha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya