4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2013
Xaaladda Wariye Tima-cadde oo ka soo Raynaysa iyo Aabbihiis oo Sheegay inuu Masuugsan yahay ku daweyntiisa Soomaaliya

Arbaco, Oktoobar 23, 2013 (HOL) — Xaaladda wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo shalay la dhaawacay ayaa xaaladdiisa caafimaad ay kasoo raynaysaa iyadoo aabbihii uu sheegay inuu aad u masuugay in lagu daweeyo gudaha Soomaaliya.

Wariyaha ayaa waxay kooxo hubeysan shalay ku dhaawacmeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dhaawaca wariyahan, balse madaxda dowladda ayaa ku baaqay in kooxihii dhaawacay wariyaha sharciga la horkeeno.

“Runtii xaaladda caafimaad ee Tima-cadde aad ayay u soo hagaaraysaa tan iyo shalay markii qalliinka lagu sameeyay, qofkii u yimaadana wuu garan karaan,” ayuu yiri Maxamuud Cali Faarax oo ah aabbaha dhalay Tima-cadde.

Maxamuud Cali oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inuu masuugsan yahay daweynta magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay inay rajeynayaan in ay u qaadaan dibadda si loogu soo daweeyo.

“Inkastoo qalliin wanaagsan lagu sameeyay Tima-cadde haddana waxaan aad u masuugsanahay ku daweyntiisa Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in lo qaado caafimaad dibadda ah,” ayuu Faarax hadalkiisa raaciyay.

Tima-cadde ayaa ka dhaawacmay qaybaha sare ee jirka, iyadoo la sheegay in dhowr xabbadood laga saaray jirkiisa, waxaana aabbihii uu warbaahinta u sheegay in dhaawaca ka gaaray qoorta uu aad u daran yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya