4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: "Waa in sharciga la horkeeno ciddii isku dayday inay disho Wariye Timo-cadde"

Talaado, Oktoobar 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyay falkii isku dayga dilka ee loo geystay wariye Maxamed Maxamud Tima-cadde oo u shaqeynayey Universal TV, isla markaana hay'adaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno ciddii isku dayga dilk wariyaha oo haatan isbitaal ugu jira dhaawacii kasoo gaaray falkaas arxan la'aanta ah.

Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii ku dhaawacay wariyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo uu deggenaa, waxaana ku dhacday rasaas fara badan, kuwaasoo qaarkood kaga dhacay qaybta sare ee jirka.

"Waa in sharciga la horkeeno ciddii isku daydey dilka wariye Timo-cadde. Maamulka Universal TV, shaqaalaha iyo dhammaan bahda saxaafadda waa inaad sii labo-jibaartaan howlaha aad ummadda u heysaana, si loo tuso kooxahan dhagar qabayaasha ah inaysan marnaba ku guuleysaneynin inay aamusiyaan saxaafadda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu Alle ka baryay inuu dhaawaca u sahlo wariye Timo-cadde si uu si dhaqso leh uga soo kabto dhaawacii saakay ka soo gaaray isku daygii dilka ee kooxaha hubeysan ay la beegsadeen.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii yiri: "Looma dulqaadan doono falalka sida tooska ah loogu raadsanayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, dowladdana waxaa ka go'an in maxkamadda la soo hortaago cid allaale iyo ciddii lagu helo inay ka dambeeyaan falalka noocan oo kale ah."

Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu khasaaraha yaraa suxufiyiinta Soomaaliyda, iyadoo sannadkan la dilay afar wariye dhowr kalena dhaawacyo loo geystay, halka sannadkii hore oo keliya la dilay 18-wariye tiro kalena la dhaawacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya