4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2013
Talyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in isbadal lagu sameyn doono hogaanka booliska

Talaado, October 22, 2013(HOL) :- Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhawaan is badal lagu sameyn doono ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo hogaankooda.

Masuulkan ayaa sheegay in isbadalkani uu noqon doono mid sare loogu qaadayo tayada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, wuxuu intaa ku daray in ciidamada Booliska aqoontooda sare loo qaadi doono islamarkaana ay heli doonaan tababarro la xiriira shaqooyinkooda.

Gen. Saacid ayaa xusay in sanadka cusub ay u gudbi doonaan qorsheyaal wax looga badalayo hannaanka shaqo ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in isabadallo badan ay ku sameyn doonaan guud ahaan ciidanka booliska iyo hogaankiisa.

Gabagabadii masuulkan ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay yihiin adeegayaasha shacabka, wuxuuna xusay in ay lagama maarmaan tahay in boolisku uu kasbado kalsoonida shacabka, arintaasoo uu xusay in ay horseedi karto wada shaqeyn toos ah oo dhexmarta booliska iyo dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xaqiijin lahayd ammaanka guud ee dalka, xilli gobollo badan oo dalka ka tirsan ay gacanta ku hayaan xooggagga Al-shabaab oo iyagu siweyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo – Soomaaliya.