4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2013
Wafdi ballaaran oo ka socda ururrada AU, EU iyo IGAD oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

Talaado, October 22, 2013(HOL) :- Waxaa maanta magaalada Kismaayo kasoo dagay wafdi ballaaran oo isugu jiray ururrada Midowga Afrika (AU), ururka Midowga Yurub (EU) iyo xubno ka socday ururka IGAD.

Wafdigan ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Jubba, waxaana intaasi ka dib hawada laga saaray Isgaarsiintii magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo ay kulamo kula qaadanayaan masuuliyiinta maamulka Jubba.

Ilaa imika ma cadda ujeedooyinka rasmiga ah ee imaatainka wafdiga, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo faahfaahin ka bixiyay imaatinka wafdigan ballaaran ee maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay magaalada Kismaayo ay heshiis ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba, kaasoo qodobadii ay ku heshiiyeen ay kamid ahaayeen, in madaxda maamulka Jubba ay kasoo qeybgasho shirka 2-da bisha soo socoto lagu qaban doono Muqdisho iyo in lasoo xareeyo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ee uu hogaamiyo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Wixii wararkaasi kusoo kordha haduu rabbi qadarodib ayaan idinka soo gubdin doonna.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.