4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2013
Saldhigga Booliska Miir ee Degmada Gaalkacyo oo bam lagu weeraray
Talaado, Oktoobar 22, 2013 (HOL) — Qarax ayaa xalay fiidkii ka dhacay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Gaalkacayo dhinaca uu maamulka Puntland ka arrimiyo.

Qaraxa oo ka dhashay bumbo nooca gacanta laga tuuro ah, waxaa lagu weeraray saldhigga booliska ee Miir.

Labo qof ayaa la xaqiijiyey in ay qaraxaas ku dhaawacmeen. Mid kamid ah labadaas qof ayaa ahaa askari ka tirsan booliska saldhigga Miir ka howlgala.

Dhinaca kale rasaas qaraxa kaddib ciidamadii booliska ahaa ee saldhigaas joogey ay rideen ayaa waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo ay rasaas wiifto ahi haleeshay.

Qofka rasaasta ciidamada ku dhaawacmay ayaa ah haweeney, waxaana sida aan wararka ku heleyno dhaawaca soo gaarey uu ahaa mid fudud.

Agagaarka saldhigga uu qaraxu ka dhacay, waxay ciidamadu ka sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, kumase guuleysan in ay falkaas cidna usoo qabtaan.

Qaraxa xalay Gaalkacayo ka dhacay ayaa imaanaya xilli ammaanka magaaladaasi uu bilihii u dambeeyey ahaa mid aad u wanaagsan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland