.jpg)
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Roobabka xilliga Dayrta ayaa ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan Puntland. Gobollada ay roobabka fiicani ka da'eenna waxaa kamid ah: Karkaar, Nugaal, Mudug, Sanaag iyo Bari.
Gobolka Karkaar, gaar ahaan magaala-madaxda Qardho, waxaa ka da'ay roob mahiigaan ah oo si weyn loogu diirsaday, inkasta oo markii dambe ay magaalada biyo badni kusoo rogmeen.
Biyaha daadka oo khasaare nafeed aan geysan, waxay waxyeelo kasoo gaartay goobo ganacsi oo dhowr ah, iyagoo sidoo kale jaray qaar kamid ah waddooyinka rafka ha ee isku xira magaalada Qardho iyo tuulooyinka fog fog.
Gobollada Mudug iyo Nugaal oo leh dhul-daaqsimeed ballaaran, si fiicanna xoolaha luugu dhaqo, ayaa waxa iyagana ka da'ay roobab mahiigaan ah oo ay dadka iyo duunyaduba aad ugu diirsadeen.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO FARA BADAN:
Sidoo kale waxay roobabku ka da'een gobollada Sanaag, Sool iyo Cayn, inkastoo ay jiraan deegaanno badan oo ka tirsan saddexdaas gobol oo weli wax roob ah aan helin.
Gobolka Bari oo isagu ah midka ugu ballaaran Puntland, waxaa jira qaybo badan oo roobsaday iyo deegaanno u badan kuwa Badda Hindiya kulaala oo muddo sanado ah aysan wax roobab ahi ka di'in.
Ugu dambeyntii, Magaalada Boosaaso oo iyadu sida caadiga ah aan roob badan helin, waxaa sannad kaddib ka da'ay roob aad loogu qabowsaday, kaas oo si weyn wax uga beddeley jewiga magaalada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland
Roobabka Dayrta oo ka da'ay inta badan gobollada Puntland iyo daad kusoo rogmadey Magaalada Qardho (SAWIRRO)
More News
- NICHOLAS KAY: “Waxaan Rajeynayaa in Puntland ay dib u soo celin doonto xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya”
- Warbixin ku Saabsan Habka Wax-barashada ee Jaamacadda Bay oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Baydhabo (SAWIRRO)
- Wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba oo is-afagarad ku dhamaaday iyo Qodobo lagu heshiiyay
- Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Somaliland oo ka digay in wasaaraduhu ay Shaqaale Qortaan iyadoon aan lasoo marin
- Kooxo dabley ah oo dhac u geystay saddex ka mid ah Dukaamada Dahabka lagu iibiyo ee Suuqa Magaalada Boosaaso
- Hay’adda HARO oo soo Gunaanadday deeq hilbo ah oo ay ka qaybisay qaar ka mid ah Gobollada dalka Somalia (SAWIRRO)
- Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Jen. Saacid oo safar lama filaan ah ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
- Jaamacada Banaadir oo ka mid noqotay Jaamacado ku Midoobay Mashruuc cusub oo loogu magac daaray RUN (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Kenya oo ka Dalbaday Shacabka Dalkiisa inay Amniga kala shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee Ammaanka
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo Howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen kusoo qabqabtay dhallinyaro fara badan
- Mas’uuliyiintii lasoo Shaqeeyay Dowladdii Kacaanka ahayd oo Shacabka ka dalbada inay taageeraan Dowladda Federaalka
- Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Dunida ee FAO oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay lasoo baxaan Kalluun fara badan
- Sheekh Axmed Madoobe oo diiday in Col. Barre Aadan Shire uu ka qaybgalo shirarka looga hadlayo Arrimaha Jubbooyinka
- Kaamirooyin muujiyay Ciidamada Kenya oo Alaabo ka Qaadanaya Dukaamo ku yaalla Westgate Mall intii uu howlgalku socday
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)