4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Xildhibaan ku baaqay in la xiro Xeryaha Qoxootiga ee ku yaalla Kenya oo ay ku jiraan Qoxooti fara badan oo Soomaaliyeed

Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Guddiga baarlamaanka dalka Kenya u qaabilsan difaaca ayaa la filayaa inay ugu baaqaan dowladda Kenya in la xiro dhammaan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalka Kenya oo ay ku jiraan dad u badan Soomaali ah sababo dhinaca mmaanka ah awgeed.

Xildhibaan Ndun'u Gethengi oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha baarlamaanka Kenya ayaa sheegay inuu hayo warar sheegaya in xerooyinka qaxootiga loo isticmaalo xarumo tababar, balse ma uusan sheegin cidda ku qaadata tababarka.

Mudanahan oo la hadlayay BBC-da ayaa waxaa warkiisa loo fasiran karaa in uu yahay mid tilmaamaya in xeryahaas ay tababar ku qaataan kooxaha ka geystay weerarrada dalka Kenya, iyadoo dalkaas ay weerarro kala duwan ka dhaceen labadii sano ee lasoo dhaafay.

Xerooyinkaas qaxootiga Kenya waxaa ku jira in ka badan nus malyuun qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo dalkooda uga cararay dagaallo soo laalaabtay iyo abaaro. Waxaana xeryahaas ku yaalla deegaanka Dhadhaab oo lagu tilmaamo kuwa ugu weyn dunida.

Sidoo kale, waxaa jirta xero qoxooti oo weyn oo lagu magacaabo Kaakumo taasoo ku taalla galbeedka dalka Kenya, waxaana ku jira qoxooti Soomaali ah, iyadoo la rumeysan yahay in illaa 30,000 oo qaxooti Soomaali ah ay ku nool yihiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Cabsida nabadgalyo ee soo food–saartay Kenya ayaa waxay ka dhalatay weerarkii dhawaan lagu qaaday toddobaadkii hore xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo afar maalmood ay gacanta ku hayeen xoogag taabacsan Al-sbabaab.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 67-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 200-qof, kuwaasoo qaarkood xaaladoodu ay daran tahay, waxaana weerarkaas uu sare u qaaday walaaca ay dalalka bariga Afrika ka qaaan inay Al-shabaab weerarro ka geysato dalalkooda.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay halkaasi ku dhinteen shan qof oo ka mid ahaa kooxihii weerarka ku qaaday xaruntaas, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay inay u dhexeysay 10 illaa 15-qof oo dhammaantood rag ah, sagaal qof ee kalena ay u xiran yihiin dambiyo la xiriira weerarkaas.

Mudane Gethenji wuxuu ku dooday in loo baahan yahay in haatan Kenya ay dib uga fekerto soo dhaweynta qoxootiga ama sii haynta kuwa dalkooda ku sugan. Iyadoo Soomaalida ku nool Nairobi ay cabsi weyn ka qabaan inay u waxyeelleeyaan ciidamada Kenya weerarkii Westgate Mall.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya