4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC oo amar ku bixisay in la soo xiro Wariye Kenyan ah oo lagu eedeeyay faragelin dacwo

Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC aya amar ku bixisay in lasoo xiro wariye u dhashay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inuu fara-gelin ku sameeyay dacwadda loo haysto madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto.

Wariyahan oo lagu magacaabo Walter Barasa ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu laaluush siiyo markhaati ka mid ah kuwii ku marag-kici lahaa madaxweyne ku xigeenka  Kenya William Ruto oo dhageysiga dacwadii ay ka socoto maxkamdda ICC.

Sidoo kale, wariyaha ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu qofkaas ka mid ah markhaatiga Ruto uu ka dhaadhiciyo inuu ka baxo dacwadda uuna qaato lacag fara badan oo aan cadadkeeda la sheegin.

Wariyahan ayaa ka howlgala idaacad ku taalla magaalada Eldred la ogyahay inay ahayd xuduntii rabshadihii ka dhacay dalka Kenya, wuxuuna howlaha saxaafadda kusoo jiray muddo 18-sano ah, isagoo kazoo shaqeeyay qaar ka mid ah wargeysada ugu waaweyn dalka Kenya.

Madaxa dacwad-soo-oogayaasha maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, Fatou Bensouda ayaa sheegtay inay hayaan caddeymo muujinaya in Walter Barasa uu isku dayay in uu laaluusho marqaatiyaasha si uu uga dhaadhiciyo inay joojiyaan marqaati furka.

Bensouda ayaa sheegtay inay jiraan dad badan oo isku dayay inay dacwada ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka Kenya ay majo-xaabiyaan, balse ma aysan sheegin in maxkamaddu ay dalban-doonto in dadkaas lasoo xiro iyo in kale.

Wariyahan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu is-difaaco, sidoo kalena uu ixtiraamayo amarka kasoo baxay maxkamadda, isagoo xusay inuu horay u maqlay warkan ka hor intii aanu soo shaac bixin.

“Diyaar ayaan u ahay inaan iska difaaco eedeymaha la ii soo jeediyay, mana jirto cid markhaati ah oo aan la kulmay, warkaasna waa mid been ahuur ah, balse diyaar ayaan u ahay inaan iska difaacno,” ayuu Barasa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya iyo kuwa caalamiga ah.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto iyo wariye Jushwa Arab Sang ayaa waxaa loo haystaa inay mas’uul ka yihiin rabshadihii ka dhacay dalka Kenya sannadkii 2007 kaddib markii doorashadii sannadkaas dhacday lagu murmay, waxaana ku dhintay rabashadahas in ka badan kun qof, kumannaan kalena way ku barakaceen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya