“Dowaldda waxaa ka go’an inay doorashooyin dalka ka hirgeliso, mana dhici doonto inay muddo kororsi dalbato sidii horay u dhici jirtay,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiyo oo hadal ka jeedisay xafladda.
Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ku nool ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee qayb lixaad leh ka qaadan kara dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo ku boorrisay inay ka qaybqaataan dib u dhiska.
Hiiraan Online oo wasiiradda weydiisay su’aal ahayd sababta safiir loogu soo magacaabi waayay Canada ayaa waxay sheegtay in hadda safaaradda Soomaaliya ee Washington laga sii maamuli doono, balse ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo magacaabi doonaan safiir ama danjire.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Wasiirka arrimaha dibadda Canada, John Baird ayaa waxay HOL hordhigtay su’aal ahayd inuu booqanayo Soomaaliya sidii uu horay u sheegay, isagoo ka gaabsaday ka jawaabidda su’aashaas, wuxuuna xusay in sababo la xiriira amniga awgood uusan xilligan booqan karin Soomaaliya, laakiin uu ku talo-jiro in uu booqdo mustaqbalka.
Dhanka kale, guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegtay in dhaqaale badan Somalia loogu yaboohay intii uu socday shirkii New Deal,loona baahanyahay in dhaqaalahaas musuqmaasuq ka madax-bannaanaado, Iyadoo xustay in la iska ilaaliyo musuqmaasuqa.
“Waddamo badan oo dunida ku yaalla dadka dhisay waa dadkoodii dibadda u baxay, dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u soo baxay, waxaa laga doonayaa inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda,” ayay tiri Yussur Abraar.
Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa C/qaadir Maxamuud Maalin (Ilka-case) madaxa guddiga qabanqaabada xafladda, Sheekh Haddi, Shukri Jaamac, Faarax aw-Cusmaan, Axmed-Nuur, Idil Saalax, Farxiya Cali Cabdi Guure, Danjire Cabdinuur iyo Dr. Xirsi Cabdikariim Ciyow oo ka warbixiyey taariikhdii dheereed ee ay durmarka Soomaaliyeed ka qaateen halganka Soomaaliya. Maryan Sheekh ay wasiiradda ku guddoonsiisay halkaas haddiyado ay soo diyaariyeen haweenka magaalada Ottawa.
Fannaanadda weyn ee Zeynab Laba-dhagax ayaa halkaas heeso wadani ku madadaalisay dadkii kasoo qayb galay xafladda. Waxaa sidoo kale halkaas ciyaaro fanka iyo suugaan Soomaaliyeed kusoo bandhiga gabdho Soomaaliyeed.
Waxaa xafladaan si habsami u daadihineysay (MC) Nimc Maxamed Cali oo ka mid ah gabdhaha aad u firfircoon ee magaalada Ottawa.