4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2013
Wariyeyaal Maalintii labaad ku xiran xabsiga dhexe Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool kaddib markii maamulku eedeeyay

Arbaco, Oktoobar 02, 2013 (HOL) — Laba ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maalintii labaad ku xiran saldhigga dhexe ee maaalada kaddib markii lagu eedeeyay inay baahiyeen warar been ah oo ku saabsan hawlgalo ay dowladda hoose ee Laasacaanood ku banneynayso waddooyin.

Maxamed Shaqalle Cashuur oo xiriirka gobolada u qaabilsan Somsat TV iyo Aadan Maxamed Karaama oo gobolka Sool uga warama Universal TV ayaa labadaba waxaa lagu eedeynayaa warar ka dhan ah maamulka.

Aadan Karaama ayaa ciidanka booliisku xireen subaxnimadii hore ee shalay kadib markii xoghayaha dowladda hoose uu ku eedeeyey inuu weeraray shaqi isla markaana uu carqalad ku geliyay warkiisa hawsha waddooyinka magaalada Laascaanood lagu banneynayo.

Halka Maxamed Shaqale la xiray isagoo ku hawlan sidii loosoo deyn lahaa weriya xiran, waxaana ciidanka booliisku ay HOL u sheegeen inuu qoraalo uu ku daabacay shabakaddo uu ku afla-gaadeeyay ciidanka booliiska.

Labada suxufi ayaa mas’uuliyiinta booliisku sheegeen in loo gudbin doono maxkamada si loo eego kiiska ay ku dacweysan yihiin oo ah sumcad dil iyo af-lagaado.

Xariga suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Laascaanood ayaa ah mid aad u fudud iyadoo inta badana loo aaneeyo siyaasado is-diiddan oo deegaanka ka jira iyo khibrad yaraan dhinaca suxufiyiinta ka jirta.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool