4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Hay’adda Samafal oo Fadhigeedu yahay dalka Canada oo Kumannaan qoys deeeq hilib ah ugu qaybisay Afgooye (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Hay’adda Somali Relief Network of North America oo fadhigeedu yahay dalka Canada ayaa waxay deeq hilib ah waxay ugu qaybisay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose qoys dan yar ah oo tiradoodu gaarayso 2,298, kuwaasoo isugu jiray haween, carruur iyo waayeel.

Dadkan ayaa waxay ku nool yihiin xeryaha barakacayaasha ee Afgooye ku yaalla, iyadoo hillibkan uu ahaa mid loogu talogalay ciiddul Adxada oo lagu soo jiray saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Madaxa hay’adda, Aadan Maxamed Ciise ee deeqdan soo gaarsiisay dadkan dan-yarta ee ku nool Afgooye ayaa sheegay inay ka timid walaalaha ku nool dalka Canada, isagoo xusay in loogu talogalay in looga farxiyo dadka danta yar ee ku nool xeryaha ku yaalla Afgooye.

Sidoo kale, wakiilka haya’ddan u jooga Somalia, Ibraahim Cusmaan Cabdalla oo la hadlay warbaahinta markii lasoo gabagabeeyay qaybinta deeqdan ayaa sheegay in deeqdan loogu talo-galay dadkan dan-yarta ah ee Afgooye ku nool.

Qaar ka mid ah dadka dan-yarta ah ee deeqdan ka faa’iideystay oo iyaguna la hadlay warbaahinta ayaa uga mahad-celiyay hay’adda samafalka ee soo gaarsiisay deeqdan, waxayna Alle uga baryeen inuu bedel kheyr qaba siiyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay’addan ay deeq ka qaybiso degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, balse dhowr bilood ka hor ayay ka qaybisay isla degmada Afgooye deeqo kala duwan.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya