4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Xarakada Al-shabaab oo kordhisay Hanjabaadaha ay u Jeedinayso Dalalka ku yaalla Bariga Afrika kaddib Weerarkii Westgate Mall


Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Bil kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen dhimasha ganacsi ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa waxaa kordhaya hanjabaadaha ay Al-shabaab u jeedinayso dalalka Bariga Afrika iyo kuwa ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Weerarkii Westgate Mall oo qaatay afar maalmood oo xiriir ah ayaa waxaa ku dhintay 67-qof, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay weerarro la mid ah kaas ay ku qaadi doono dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo dalka Kenya.

“Haddii aadan cashar ku qaadan weerarkii Westgate, kuwo kale oo badan ayaa soo socda,” ayaa lagu qoray boorar waaweyn oo lagu dhajiyay degmada Baraawe oo 200-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho, halkasoo ah xarun weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Soomaaliya.

Boor kale oo isagana lagu dajiyay gudaha degmada Baraawe ayaa waxaa ku qoran: “Qof walba oo muslim ah oo lagu dilo Kismaayo, Kenya waxaa kaga bixi doona qiimo badan.”

Saraakiil reer galbeed ah ayaa sheegay in hanjabaadaha Al-shabaab ay u jeedinayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay yihiin kuwo ku keeni kara Soomaaliya in dunidu ay mar kale kasii jeesato.

Al-shabaab ayaa waxaa laga saaray labadii sano ee lasso dhaafay deegaano ay kaga sugnayd Soomaaliya, kaddib markii ay weerarro culus kala kulantay ciidamada AMISOM ee ka socda dalal ay ka mid yihiin Burundi, Kenya iyo Uganda iyo weliba ciidamada Itoobiya oo ka madax-bananan.

Horraantii bishan kaaliyaha xogyahaha arrimaha dibadda ee Qaarada Afrika, Linda Thomas-Greenfield ayaa u sheegtay xildhibaannada Maerykanka in weerarkii Westgate Mall uu muujinayo xoogagga kooxaha xagjirka ah ee bariga Afrika uu u muuqdo mid soo xoogeysanaya. Iyadoo sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ka duwan hababkii Al-shabaab ay weerarrada u qaadi jirtay.

“Al-shabaab waxay sii waddaa xiriirrada ay la sameynayso kooxaha ka jira gobolka iyo kuwa calaamiga ah, si ay u horumariso weerarrada caalamka ka geysanayso,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga la socodka arrimaha Somalia ee Qaramada Midoobay.

Dalka Uganda ayaa maanta sheegay inuu heegan buuxa geliyay ciidamadiisa kala duwan ee ammaanka si ay uga hortagaan weerarro kaga yimaada Al-shabaab, kuwaasoo la mid ah kii ay ku qaaday dhismaha ganacsi ee ku yaalla magaalada Nairobi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya