4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Tababar lagu baranayay Hub ka dhigista & Dhaqan-celinta Maleeshiyaadka oo Maanta lagu soo Gunaanaday Nairobi (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socoday wasaaradaha gaashaandhigga dalalka Barriga Afrika ayaa maanta tababar loogu soo gaba-gabeeyay machad ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tababarkan ayaa socday saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay kaasoo lagu baranayay qaabka ugu wanaagsan ee kooxaha hubeysan hub ka dhigis iyo dhaqan-celin loogu sameyn karo, isla markaana dib loogu soo celin karo bulshada.

Dowladda Kenya oo taageero ka helaysa hay’adda UNDP-Japan, hay’adda EASFCOM iyo xarunta IPTSC (International Peace Support Training Center) oo ka tirsan wasaaradda difaaca dowladda Kenya ayaa tababarkan soo abaabushay.

Saraakiisha tababarka qaadanaysay oo ahaa 18 xubnood ayaa ka socday wasaaradaha difaaca dalalka xubnaha ka ah EASFCOM, sida Soomaaliya, Burundi, Rwanda, Kenya, Suudaan, Itoobiya, Commoros iyo Uganda.

Muddadii uu tababarku socday ayaa waxay saraakiisha ay is-dhaafsadeen khibradaha ay u leeyihiin hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta maleeshiyada, iyadoo dalalkan ay intooda badan barnaamijyada noocan oo kale ah ay hirgelisay Qaramada Midoobay, kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo DDR (Disarmament,Demobilisation and Re-integration of Ex-Combatants) taasoo micnaheedu noqonayo hub ka dhigista, dhaqan-celinta iyo dib ugu soo celinta bulshadooda dagaalyahannadii hore ee ka tirsanaa kooxaha hubeysan oo kasoo horjeedda dowladaha.

Ka qayb-galayaasha tababarkan ayaa waxay si weyn uga doodayeen qaabka hubka looga dhigi karo xoogagga Al-shabaab iyo kuwa la midka ah ee ka jira dalalka Soomaaliya, Congo, Suudaan, Burundir, Sierra Leone, Uganda iyo dalal kale oo fara badan, waxaana dhammaantood ay isku raaceen inay muhiim tahay in dowlad waliba ay sameyso guddi gaar ah oo qaabilsan hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta maleeshiyaadka.

Soomaaliya ayaa madasha tababarku ka socday kusoo bandhigtay sida loo maareeyo dagaalyahannada kasoo baxsada Al-shabaab isla markaana loogu sameeyo dhaqan-celinta maadaama ay howshaas dowladda federaalka ah u qaabilsan tahay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga.

Xiritaankii tababarka ayaa waxaa maanta kasoo qaybgalay madaxda xiriirka hay’adda EASFCOM, Col. Ibraahim Maxamed C/raxmaan iyo ku xigeenkiisa, taliyaha machadka HPSS, iyagoo si weyn ugu ammaanay ka qaybgalayaashii tababarka sida wanaagsan oo ay aqoontooda u soo bandhigeen waxayna ka codsadeen hay’adaha taakuleynaya tababarrada noocan oo kale ah inay sii kordhiyaan si ay uga faa’iideystaan saraakiisha ciidamada booliska, kuwa millateriga iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladaha Barriga Afrika si kor loogu qaado dadaallada lagu xasilinayo amniga qaaradda Afrika.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya