4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
CABDI FAARAX LAQANYO: ’’Nabad ayaan ugu baaqayaa beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kabxanley"

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanayo oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay beellaha ku dagaallamaya deegaanka Kabxanley oo 25-km dhinaca W/galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.

Mudane Laqanyo ayaa sheegay in dagaalladan ku soo beegmeen xili ay socdaan dadaalo nabadeed oo la doonayo lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada beellood, isaga oo ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ay nabada qaataan.

“Dagaal ayaa saakay ka dhacay deegaannka Kabxanley, waan la socnaa, runtiina waa nasiib darro, waayo dagaalladan waxaa ay ku soo beegmeen xili ay socdeen dadaalo la doonayay in lagu soo afjaro wixii khilaaf ah ee jira, odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac waxaan ugu baaqeynaa nabad, marnaba ma aqbali doono arrimo laga wada hadlli karo in dhiig lagu daadiyo, waan ka digeynaa arintaa iyada ah,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaannada lagu dagaallamay u dirreen ciidamo ka tirsan maamulka iyo odayaal kala dhax-galli doona dhinacyada uu iska horimaadku dhaxmaray, kadibna la sii anba-qaadi doono wada-hadalladii horay u socday ee nabada raadinta.

“Annaga deegaannadaas waxaan ka rabnaa nabad, in bulshada ku dhaqan si nabad-galyo ah ugu intifaacaan, ma aqbali doono in wax aan micno laheyn inta hub leysugu qaato dad ay u dhintaa, cid kasta oo caqabad ku ah dadaalka nabadeed ee socda gacan bir ah ayaa ku qaban doonaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in ay joogaan magaalada Beledweyne xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa dhameynta khilaafka beellaha dirirtu dhaxmartay, halka dhinaca kale hay’adda CRD ku howlan tahay sidii hishiis rasmi ah loo kala dhax-gali lahaa dhinacyada iska soo horjeeda.

“Odayaasha beellahaas waxaa leeyahay ku kalsoonada dadaalada nabadeed ee socda, hormuud u noqda in dhiig danbe uu deegaannkaas ku daadan, gacan ku siiya qeybaha kala duwan ee ku howlan sidii deegaannadaas looga dhigi lahaa kuwa nabadeed,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili saakay waabarigii hore uu dagaal khasaare sababay ka dhacay deegaannka Kabxaley ee gobolka Hiiraan oo ay ku dirreen beello isku haya lahaashaha dhul beereedyo dhinac walba uu gaar u sheeganayo milkiyadiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya