4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Magaca Ruux Somali-Norwegian ah oo la Sheegay inuu ka mid ahaa kooxdii Weerartay Westgate Mall oo la Shaaciyay

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Ruux Somali ah oo haysta dhalashada dalka Norway ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa kooxihii weeraray dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo magaciisa lagu sheegay, Xasan Cabdi Dhuxuloow.

Booliiska Norway ayaa baaritanano ku haya in Dhuxuloow uu ka mid ahaa kooxihii weeraray dhismahaas ganacsi bishii lasoo dhaafay, halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof oo isugu jiray Kenya iyo dad ajnabi ah.

Xasan Dhuxuloow oo 23-jir ah ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnihii ka dambeeyay qorshaha weerarkan, iyadoo lasoo bandhigay sawir ruux qori ku gar-waaxsan, kaasoo la sheegay inuu isaga yahay.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay hay’adda sirdoonka dalka Norway ee PST waxay sheegtay inay saraakiil u dirtay dalka Kenya si ay u xaqiijiyaan inuu ruuxan Somali-Norwegian-ka ah uu ka mid ahaa dadkii weeraray suuqa laga dukaameysto ee Westgate Mall.

Ma cada tirada dadka ka qaybgalay weerarkaas, balse warbixin ay booliiska Kenya soo saareen ayay ku sheegeen in tirada dadka weerarkaas geystay ay u dhexeeyaan 10 illaa 15 ruux, balse sawirrada la baahiyay ayaa waxaa ka muuqday afar qof oo kaliya.

Dhuxuloow ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay afarta ruux ee la arkay sawirradooda, inkastoo ay baaritaannada laug hayo ruuxan ay weli ka socda magaalada Nairobi.

Wiilkan Somali-Norwegian-ka ah ayaa ku dhashay Soomaaliya, balse isaga iyo waalidkii ayaa sannadkii 1999-kii u galay dalka Norway qaab qoxooti ahaan ah, iyagoo halkaas ku noolaa wixii xilligaas ka dambeeyay.

Mid ka mid ah ehellada ruuxan oo la hadlay barnaamij xilliga habeenkii ah ka baxa BBC-da ayaa u sheegay in Xasan Dhuxuloow uu tagay Somalia 2009-kii, isagoo muddo halkaas ku sugnaa, markii ugu war-dambeysay ee uu la soo hadlayna uu u sheegay inuu aad u dhibaateysan yahay uuna Norway ku soo laaban doono.

Morten Henriksen oo daris la ahaa qoyska wiilkan ayaa sheegay inuusan arag Dhuxulow muddo afar sano ah, isagoo intaas ku daray. “Wuxuu ahaa qof xagjirnimada jecel. Ma ahayn qof doonaya inuu ku noolaado Norway… wuxuu ahaa  ruux dagaal badan, aabbihiina wuxuu ahaa nin aad uga weli-weli jiray.”

Labaatameeyo illaa soddomeeyo Norwegian ah ayaa la rumeysan yahay inay ku biireen xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, waxaana la sheegay in dhallinyaradan intooda badan ay yihiin kuwo tagay Norway, balse aan ku dhalan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya