4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Booliiska Uganda oo soo Saaray Digniin ku Aaddan Weerarro Argagaxiso oo ay Al-shabaab ka geysato Magaalada Kampala

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska dalka Uganda ayaa sheegay inay heleen calaamado muujinaya in Al-shabaab ay doonayso inay weerarro argagaxiso ka geysato dalkooda, kaddib markii maalmo ka hor ay safaaradda Mareykanka ee Uganda ka digtay weerarro argagaxiso oo ka dhaca dlaka Uganda.

Saraakiisha booliiska Uganda ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in warar ku saabsan arrintan ay ka heleen ilo wareedyo ay ku kalsoon yihiin, iyadoo ay safaaradda Mareykanka ee Uganda ay digniinteeda ku sheegtay in weerarka uu noqon karo mid la mid ah kii Al-shabaab ay ka geysatay Nairobi.

“Dingiinaha deg-degga ah ee ku saabsan weerarro argagaxiso oo dhaca si aad ah ayay sare ugu kaceen,” ayuu yiri ku xigeenka taliyaha booliiska dalka Uganda, Patrick Onyango oo intaas raaciyay in safaaradda Mareykanka ay la wadaagi doonaan warbixinnada ku saabsan arrintan.

Waa markii ugu horreysay oo ay booliiska Uganda soo saaraan digniin cas oo ku saabsan weeraro ay Al-shabaab ka geysato dalkooda, kaddib markii ay ka geysatay kooxdan dalka Uganda sannadkii 2010 weeraro ay ku dhinteen 79-qof.

“Gabi ahaan saraakiisha booliiska Uganda ee ka maqan Kampala waa loo yeeray, iyadoo laga dalbaday inay joojiyaan howl walba oo ay hayaan ayna kusoo laabtaan caasimadda,” ayuu Onyongo hadalkiisa ku daray.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa ku baahisay shabakad ay gaarka u leedahay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerar u qorsheysan sidii kii ka dhacay Westgate Mall ay la damacsan yihiin Kampala, balse safaaraddu ma aysan bixin warbixin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Westgate Mall ka dhacay bishii hore, kaasoo ay naftooda ku waayeen 67-qof oo halkaas ku sugnaa, waxayna kooxdan sheegtay in weerarku uu yahay mid aargudasho ah.

Ciidamada ka socda dalalka Uganda, Kenya iyo Burundi ayaa udub-dhexaad u ah howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu magacaabo AMSIOM, kaas oo lagula dagaalamayo Al-shabaab si looga caawiyo dowladda Somalia inay hanato dalka oo dhan.

Booliiska dalka Uganda ayaa xoojiyay goobaha muhiimka ah oo dhan, iyagoo furay goobo fara badan oo lagu wargeliyay shacabka inay u soo gudbiyaan xogahaha haddii ay la kulmaan wax ay ka shakiyaan ama khatar ah.

Al-shabaab ayaa ugu baaqday dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya inay kala baxaan haddii kale ay la kulmi doonaan weerarro argagaxiso oo la mid ah kuwii ay ka geysteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii guri ku yaalla xaafadda Bole ee xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa uu ka dhacay qarax, kaasoo la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo Soomaali ah oo farsameynayay waxyaabaha qarxa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya