4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Magaalada Hargeysa oo laga Xusay Maalinta SNM iyo Saraakiil ka carooday Xafladdan oo aan lagu Casuumin (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Magaalada Hargeysa ayaa si weyn looga xusay maalinta shuhadadda SNM oo sanad walba bishan Octobar 17 keedda la xuso, taas oo lagu xasuustii intii ka dhimatay xoogaga SNM mudadii ay dagaalka ku jireen.

Maalintan loo asteeyey in la xuso intii ka dhimatay SNM iyo dagaaladdii qadhaadhaa ee ay la galeen dawladdii hore Maxamed Siyaad Bare ayaa lagaga sheekeeyaa dagaaladaasi iyo qaababkii ay u galeen, maadaaama oo ka ciidan iyo taakulo yaraayeen ciidamadii dawladda ee ay la dagaalamayeen.

Munaasibadan maalinta lagu xusayo intii ka dhimatay tobankii sanno ee ay dagaalka ku jireen waxa ka soo qaybgalay jimciyadda Sooyaal oo soo qabanqaabisay, hogaanka sare ee SNM iyo wasiirka Warfaafinta iyo waxbarashadda oo dhamaantood ka mid ahaa ururkii SNM.

Sidoo kale waxa halkaasi  lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa siday u dayacan yihiin inta ka nool ururkii SNM, kuwaas oo intooda badani wada naafo tahay, waxaanay sharaxeen inay dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray ay hagratay, isla markaana xaqooqii aan la siin.

“Dunidda aynu ku nool nahay ragii soo halgamay ama qaarkood saynis yahan ahaayeen gaajo iyo kaceeno ayaa dishay, inta badan qofka soo halgamaa kama faa’iido ee dadka ka dambeeya ayaa faa’iidada hela, marka laydima daciyin ee baylahda qaranka ka jirta ayaa la idinku ilaaway”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo ka mid ahaa saraakiishii Ciidamada Snm oo ka jawaabayey cabashada ay tirsanayaan ciidamadii SNM.

Sidoo kale, waxa halkaas lagu soo bandhigay dagaaladii ugu adkaa ee ay SNM gashay, iyagoo ka sheekeeyey sababta maalintan loogu qorsheeyey tahay maalintii ay SNM ugu dhimashada badnaa, isla markaana ragii ugu adkaa laga laayey, isagoo tusaale usoo qaaday in Maxamed Xaashi Lixle oo ahaa laf dhabarka SNM maalintan 17 Octobar, 1984 lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha Itoobiya o ay iskaga hor yimaadeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo xoogagii ka soo horjeeday ee Snm.

“Maanta oo kale waxay ahayd maalintii noogu adkeyd oo anago tobabar ka soo baxnay ay Ciidamadii Soomaaliya na soo weerareyn, waxaanu noqday dagaal aanu  ku gacan sarayno, inkastoo rag badan nagaga dhinteen oo ay ku jireen macalimintayadii oo u horeeyo Maxamed Xaashi Lixle oo nagu weynaa, waxaana dagaalkaaasi ka qaadnay dhiirigalin oo nin waliba waxa uu niyada gashaday in saaxiib loo aaro”ayuu yidhi Yuusuf Maydal oo ka mid ahaa dhalinyaradi dagaalkaasi ku jirtay.

Si kastaba ha ahaatee, xafladan ayaan lagu soo casuumin saraakiishii SNM ee mucaaradka ah, halka ay soo buux dhaafiyeen kuwo ku jira xisbiga muxaafadka ah, taasina waxay ka cadhaysiisay qaarkoodna xafladda ka baxay saraakiishii SNM ee mucaaradka ah ee inta badan dhaliila xukuumadan madaxweyne Siillaanyo.

Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta Xasan Guure oo filayey in hadalka loo dhiibo ayaan la siin wax hadal ah, maadaama oo ay xukuumadda is hayaan, taasina waxay keentay inuu xafladda iskaga baxo.

Madasha wadatashiga ayaa waxa ku jira inta badan aasaasayaashii iyo taliyeyaashii SNM kuwaas oo mucaarad ku ah xukuumadan, haseyeeshee xukuumadda ayaa golahaasi ku tilmaamay qayral sharci aan dastuurka ogoleynin in gole siyaasadeed oo cusub dalka laga sameeyo.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Axmed Siillaanyo dhambaal hambalyo iyo tacsi iskugu jirta u diray ururkii SNM, isagoo inta dhimatay ilaahay u baryey inay janadii geeyo inta noolna caafimaad iyo mustaqbal wanaagsan u baryey.




Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland