4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Dagaal goor-dhow ka qarxay Deegaanka Kabxanley oo dhinaca Waqooyi ka xiga Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaray deegaannka Kabxanley ee 25-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya beello in mudo ahba khilaaf ka dhaxeeyay.

Dad ku sugan deegaan aan wax badan ka fogeyn halka uu dagaal ka socdo ayaa HOL u sheegay in ay maqlayaan hugunka rasaas ay is-weydaarsanayaan labada dhinac, lamana oga dhab ahaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo goor dhaw uu qarxay.

Dhawaan ayeey aheyd markii hay’addaha cilmi baarista iyo wadatashiga CRD hishiis hor dhac ah kala dhax-dhigtay labada beelleed, kuwaa oo isku afgartay qodobo sal u ah hishiis kama danbeys ah oo laga gaaro khilaafka jira.

Illaa iyo hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay dagaallka ka dhax-qarxay labada beellood oo la sheegay in khilaafkooda salka ku hayo lahaashaha iyo milkiyada dhul beereedyo ku yaala deegaannka oo dhinac walba uu gaar u sheeganayo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo kala jeeda labada beellood ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, kuwaa oo dhawaan tagay deegaannada uu khilaafku ka taagan yahay, iyaga oo kulamo kala duwan la yeeshay odayaasha labada dhinac.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idinla socon siin doonaa……..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya