4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Injineer aan Ruqsad haysan uusan guri ka dhisi karin Magaalada Muqdisho

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inuusan guri ka dhisi karin Muqdisho Injineer aan ruqsad ka haysan dowladda hoose ee Muqdisho.

Mudane Tarsan ayaa sidoo kale sheegay inaan la dhisan karin xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ganacsatada guryaha ka dhisanaya xeebta Liido ay joojiyaan, kuwa kalena aysan qarash iska gelin dhismaha xeebta hareeraheeda.

“Injineer aan ruqsad ka haysan dowladda Hoose ee Muqdisho guri kama dhisi karo magaaladan. Waxaan sameynaynaa guddi baaritaanno ku sameyn doona qalabka guryaha lagu dhisayo sida shamiitada shubka lagu sameynayo iyo wixii la mid ah,” ayuu yiri Tarsan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay inaan kharash la iska gelin dhisme laga sameynayo xeebta Liido, isagoo sheegay in xeebtaas ay ugu talogaleen inay noqoto meel ay dadku ku raaxeystaan.

“Naqshadda magaaladan innaga ayaa nalaga doonayaa, waxaana uga digayaa ganacsatada ku howlaha dhismaha laamiga Liido ka xiga dhinaca badda inay joojiyaan, kuwa kale ee ku howlanna aysan qarash iska gelin,” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in hadalkiisan aan si fudud loo qaadan, ayna imaan doonto xilli dhow in maamulku uu burburiyo guud ahaan guryaha laga dhisay hareeraha xeebta Liido, si halkaas looga dhigo goob ay dadku ku nastaan kuna raaxeystaan.

Hadalkan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowr dhisme oo baarar ah laga dhisay xeebta Liido taas oo ay ku nastaan waxna ka cunaan dadka damaashaadka iyo dabaasha u taga xeebta Liido maalmaha fasaxa.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka digay in xabsiyada looga daba-tago dadka loo haysto tuhunnada Al-shabaab, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayso shacabka Soomaaliyeed, sidaas awgeedna dadka loosoo qabto inay ka tirsan yihiin ay tahay in sharciga la marsiiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya