4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Boqolaal ka tirsan Booliiska Maamulka Galmudug oo Maanta tababbar loogu soo xiray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada maamul-goboleeda Galmudug oo ka mid ah maamullada hoos-yimaada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa tababarka u soo xiray 200 oo askari oo ka tirsan booliiska Somalia, kuwaasoo tababar ku qaadayay afartii bilood ee lasoo dhaafay xeryo ku yaalla Gaalkacyo.

Askarta tababarla loosoo gabgabeeyay ayaa waxay barteen xirfadaha kala duwan ee ciidanka, sida ay u shaqeeyaan iyo qaabka ay ula dhaqmi karaan bulshada ay u adeegayaan.

“Ciidamadan waxay ka qaybqaadan doonaan xoojinta ammaanka Gaalkacyo iyo deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug, waxaana rajo weyn ku qabnaa inay xaqiijin doonaan ammaanka iyo shacabkana ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan,” ayuu yiri Jen. Qaybdiid oo ka hadlay xaflada lagu soo xirayay tababarka.

Sidoo kale, madaxweyanaha Galmudug ayaa sheegay in ciidamadan la geyn doono degmooyinka kale ee ka baxsan Gaalkacyo, ay wadaan qorshayaal ay tababarro ugu furayaan ciidammo kale oo booliis ah.

Dufcaddan ayaa noqonsa tii labaad oo tababar loogu soo xiro Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug, iyadoo ay ka bixinayeen cabsharro tababarkan macallimiin Soomaaliyeed oo khabiirro ku ah arrimaha booliiska.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ciidamadan ay ka shaqeyn ammaanka ayna ka hortegi doonaan kuwa falalka ammaan-darro ka wada deegaannada uu ka taliyo maamulkiisa.

Deegaannada Galmudug ayaa waxaa dhawaanahan laga soo sheegayay kooxo dhibaatooyin ku haya ammaanka, iyadoo ciidamadan tababarka loo soo xiray uu kusoo beegmayo xilli xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo nin la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha kooxaha burcad-badeedda ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya