4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Saraakiisha Ciidamada ku Sugan Gobolka Bay, Bakool iyo Gedo oo Sheegay inay isku diyaariyeen Weerarro ka dhan ah Al-shabaab

Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan weerarro ay ku qaadaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolladaas, si loo soo celliyo ammaanka iyo kala dambeynta deegaanadaas.

Taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Ibraahin Yarow oo ayaa maanta sheegay inay ka go’an tahay sidii Al-shabaab ay fara-maroojin lahaayeen deegaannada ay gobolladaas kaga sugan yihiin.

“Waxaan diyaarinay qorshe aan Al-shabaab uga saarayso deegaannada ay uga sugan yihiin saddexdan gobol, waxaana haatan diyaar ah saddex boqol oo ciidammada xoogga ka tirsan, kuwaasoo loo dhameystiran yahay qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen,” ayuu yiri Jen, Yarow.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan ay qabaan tababar ku filan oo ay Al-shabaab kaga saari karaan deegaannada ay ku sugan yihiin, balse ma uusan sheegin xilliga ay weerarka qaadayaan iyo deegaannada ay howl-galka ka billlaabi dooanan.

Al-shabaab ayaa waxay ka talisaa deegaanno ka tirsan saddex gobol, iyadoo inta badan weerarro qorsheysan ku qaada saldhigyada ay kaga sugan yihiin gobollada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee  gacanta siinaya.

Sannadihii lasoo dhaafay ayaa Al-shabaab laga qabsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada Koonfurta iyo Bartramaha Soomaaliya, inkastoo ay weli ka taliyaan deegaanno badan oo gobollada dalka ka tirsan.

Hadalka saraakiishan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli wasiirka difaaca ee Soomaaliya uu toddobaadkii hore Muqdisho ka sheegay inay dhameystireen qorshayaal ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya