4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2013
Xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Sooomaaliya iyo ciidamo taabacsan Maamulka Jubba oo ka taagan Degmada Balad-Xaawo

Khamiis, Oktoobar 17, 2013 (HOL) — Xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo ciidammo taabacsan maammulka Jubba ayaa ka taagan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Abaanduulaha ciidamada Ahlusunna Waljmaaca ee gobolka Gedo, Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in magaalada Balad-xaawo ay ka jirto xiisad ka dhalatay ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Jubba oo ku sugan duleedka degmadaas oo ku taalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

“Ciidammo taabacsan maamulka KMG ah ee Jubba waxay maalmo ka hor ka soo gudbeen degmada Doolow ayna haatan ku sugan yihiin meel 7-km u jirta degmada Balad-xaawo, waxaana ka dhashay xiisad xooggan,” ayuu yiri Cismaan Sheekh.

Sidoo kale, abaanduuluhu wuxuu sheegay in ciidamadaas ay ugu baaqayaan inay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen, isagoo hadalkiisa ku daray in aysan ogolaan karin in ciidamadaas ay u tallaabaan dhinaca Jubbooyinka oo uu ku sugan yahay hoggaamiyaha maamulkaas Sheekh Axmed Madoobe.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu soo baxay khilaaf cusub oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba oo bishii Ogoosto heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Khilaafka maamaulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Somalia ayaa wuxuu yimid kaddib markii hoggaamiyaha kooxdan uu diiday inuu ka qaybgalo shir lagu dhameystirayo heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa oo dowladdu ay ku dhawaaqday inuu ka furmayo magaalada Muqdisho.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka Jubba oo ku aaddan ciidamada taabacsan ee ku xayiran duleedka degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono is-hortaagga lagu sameeyay ciidamadooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya