4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2013
Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib muddo dhowr todobaad ah oo ay safarro shaqo dibadda ugu maqnaayeen.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa si diirran ayaa magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey , waxaana intaas kaddib loosii gudbiyey aqalka madaxtooyada, halkaasoo uu warbaahinta kula hadlay.

Ugu horreyn wuxuu ka warbixiyey safarro ay kusoo mareen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Biljamka, Imaaraadka Carabta iyo Yemen. Dhamaan kulammadii ay madaxda dalalkaas lasoo qaateen ayuu sheegay in ay guul kusoo idlaadeen.

Si gaar ah wuxuu uga warbixiyey booqashadoodii dalka Yemen, isagoo tibaaxay in madaxda Yemen ay kala soo hadleen sidii ay Yemen iyo Puntland isaga kaashan lahaayeen ammaanka, la-dagaalanka argagixisada iyo dhinaca ganacsiga.

Bishii August 26, 2013 ayey ahayd markii ay magaalada Garoowe ka dhoofeen wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland oo ay ku jireen wasiirro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland