4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2013
Mas'uuliyiin Matalayay Hay'adaha Dowladda iyo Dublamaasiyiin ka socotay Netherlands oo kulan ku yeeshay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Agaasimayaal iyo wakiillo ka kala socda qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda federaalka Somalia ayaa maanta kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho dublamaasiyiin ka socda dowladda Netherlands, iyadoo kawada hadlay sidii iskaashi uu u dhexmari lahaa labada dowladood.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Avv. Xirsi Xaaji Culusoow, ayna goobjoog ka ahaayeen ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada Thaabit Cabdi Maxamed, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha, qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha kheyraadka, howlaha guud, tamarka iyo dekedaha, arrimaha dibadda ayaa waxaa kala qayb-galay danjiraha Netherlands ee Soomaaliya, Joost Reintjes iyo k uxigeenkiisa Alain Ancion.

Garyaqaan Culusoow ayaa kulankaasi kaddib sheegay in wasaaraddiisu ay xog-wadaag la sameyn doonto dhammaan wasaaradaha xukuumadda iyo xafiisyada Qaranka si loo ilaaliyo haybadda iyo dowladnimada, loona gaaro ujeeddada guud ee Qaranka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya