4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2013
Ciidamada Amniga Itoobiya oo saddex qof u xiray Qaraxii Maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaas

Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa xiray saddex qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa maalintii Axadda ahayd, kaasoo ay laba qof oo la sheegay inay Soomaali ahaayeen ku dhinteen.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Bole oo ay si weyn u daggan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool Addis Ababa, iyadoo labada qof ee uu qaraxu dilay lagu sheegay inay ahaayeen kuwo guri ay deggenaayeen ku farsameynayay waxyaabaha qarxa.

“Dadka qaraxa ku dhintay waxay ahaayeen Soomaali, kuwaasoo dalka kusoo galay si sharci-darro ah,” ayuu yiri taliyaha booliiska Itoobiya. Qaraxu wuxuu ka dhacay xaafadda Bole oo ku dhow garoonka diyaaradaha Addis Ababa.  

Booliiska Addis Ababa ma sheegin in saddexda qof ee la xiray ay Al-shabaab ka tirsan yihiin iyo in kale, sidoo kalena lama shaacin magacyada iyo dalalka ay u dhasheen dadkan loo xirxiray qaraxii ka dhacay xarunta Itoobiya. Mana jirto koox illaa hadda sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxaas.

Kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kooxda mucaaradka ah ee dalka Itoobiya waxay ka digaysay in kooxdan ay weerarro la mid ah kuwaas la geysato dalkooda, balse xukuumadda ayaa sheegtay inaysan Al-shabaab ka geysan karin dalkooda weerar argagaxiso.

Horraantii bishan ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Deslaegn oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in Itoobiya aysan ciidamadeeda kala baxayn Somalia inta laga xaqiijinayo ammaanka iyo deggenaashaha dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya.

“Ciidamadeenna xoogga iyo kuwa sirdoonka waa kuwo ku filan inay dalka ka difaacaan kuwa doonaya inay dhibaatooyinka ka geystaan. Ciidamadeenuna way sii joogi doonaan Soomaaliya,” ayuu yiri Deslaegn.

Al-shabaab ayaa oo dhawaan ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysnayso dalalka ay ciidamad aka joogaan Soomaaliya, ayaa dalalkii ay u goodisay waxaa ka ka mid ahaa dalka Itoobiya oo ay ciidammo ka madax-bannaan  AMISOM kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya