4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2013
Afhayeenka Guud ee Al-shabaab oo Shaaciyay in Kenya ay ku dhawaatay in ay ka mid noqoto Deegaannada ay ka taliyaan


Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo degmada Baraawe kula hadlayya boqolaal qof oo ka tirsan shacabka degmadaas ayaa sheegay in dalka Kenya uu ku dhawaaday inuu ka mid noqdo goobaha ay ka taliyaan.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanku ku qaadeen dhawaan degmada Baraawe, isagoo xusay in uu ahaa mid indhaha caalamka looga jeedinayay weerarkii Westgate Mall.

“Magaalada Nairobi waxay ku dhawaatay inay ka mid noqto deegaannada aan ka talino ee maamullada leh, kaddib markii koox yar oo ka tirsan Al-shabaab ay dhowr maalmood haysteen suuqa Westgate” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in Al-shabaab ay sii wadi doonaan weerarrada ay ku qaadayaan dalka Kenya, isagoo sheegay inay u ahayd weerarkii Westgate mid tijaabo ah oo ay ku ogaadaan awoodda ay leeyihiin ciidamada Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ku qaaday weerar bishii lasoo dhaafay, kaasoo qaatay dhowr casho, waxaana ku dhintay in ka badan 67-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr boqol oo kale.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab aya asheegay in weerarkii Baraawe ay kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka uu ahaa mid caalamku ay doonayeen inay indhaha kaga jeediyaan weerarkii Westgate Mall oo ahaa weerar dhibaato badan gaarsiiyay Kenya.

“Weerarkii lagu soo qaaday Baraawe wuxuu ahaa mid la doonayay in rayiga calaamka lagu qaldo oo looga jeediyo indhahooda weerarkii Westgate, balse weerarkaas wuxuu ahaa mid lagu fashilmay oo hadafkii la lahaa laga gaari waayay,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu hadalkiisa kusoo xiray in ciidamadii ay kala laabteen degmada Baraawe ceeb, fadeexo iyo khasaare nafeed oo kala duwan, wuxuuna xusay in weerarka lagu bartilmaameedsaday guri xeebta ku yaalla oo ay deggenayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya