4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Munaasabadda Ciidda oo si weyn looga Dabaal-dagay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose (SAWIRRO)



Talaado, October 15, 2013(HOL) :- Munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul Adxa ayaa maanta siweyn looga xusay magaalada Kismaayo, iyadoona kumannaan qof ay isugu soo baxeen fagaareyaal kala duwan oo ku yaal magaalada Kismaayo.

Waxaa maanta mashquul aad u weyn laga dareemayay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, iyadoona lagu arkayay dadweeyne kala duwan islamarkaana ku labisan dhar aad u qurux badan, kuwaasoo wejiyadooda laga dheehanayay farxad iyo reyn reyn ku aadan maalintan weyn ee ciidda ah.

Goobaha ay dadku salaadda ku oogeen waxaa kamid ahaa fagaaraha weyn ee Isbartiimo Feekiyo, Masaajidka Mowlaca iyo weliba xarunta Jaamacadda Kismaayo, waxaana goobahaasi qudbado kala duwan oo diini ah ka jeediyay culumaa’udiin.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo dadweeyne fara badan salaadda ciidda kula tukaday xarunta Jaamacadda Kismaayo ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Jubooyinka.

Guud ahaan gobollada Jubooyinka ayaa maanta siweyn looga dabaaldegay munaasibadda ciidda, waxaana ciidani ay kusoo beegantay xilli umadda Soomaaliyeed ay dadaal ugu jirto sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd nabadii iyo midnimadii hore uga luntay.

 




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.