4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2013
Xukuumadda Somaliland oo Mamnuucday in Baasaboorka Soomaaliya ee E-Passport-ka aan lagaga bixi karin Somaliland

Talaado, Oktoobar 15, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa mamnuucay in Dad sita E-Passporka Soomaaliya aanay ka gudbi Karin xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidaasna waxa uu ka sheegay ka dib markii uu shalay xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dhawrkii cisho u dambeeyey booqasho ku joogay magaaladda Hargeysa, kuwaas oo kulamo la yeeshay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Waftigan Dawlad Deegaanka Soomaalidda Itoobiya ayaa kulan aan warbaahinta loo ogolayn la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha Gudaha, Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,Taliyayeyaasha laanta socdaalka iyo ilaalada xeebaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade oo kulankaasi ka dib la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac isagoo sheegay in Somaliland iyo dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya in ay yihiin laba dawladood oo walaalo ah islamarkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagasani.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulankan ay la yeesheen weftiga ay ku faaqideen sidii loo sii wanaajin lahaa xidhiidhada iskaashi ee ka dhaxeeya labada dawladood oo ay ugu muhiimsan yihiin nabad-gelyada iyo xog is weydaarsiga.

Wasiir Cali Waran-cadde waxa uu sheegay in ay jiraan dad sita Baasaboorada dawlada Soomaaliya kuwaas oo ka gudba xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya sidaa daraadeed, wixii maanta ka danbeeya ay Somaliland joojisay gabi ahaan in xuduudeeda ay ka gudbaan dad sita baasabooradaasi.

“Waxaa jira dad sita Basporka Soomaaliya oo xuduudda labadda dal ka gudba, marka anagu Baasborka Soomaaliya ma ictiraafsanin, maadaama oo aanan ictiraafsanayn lagamana bixi karo Somaliland, ninka Baasporkaasi sita wuxu kala bixi karaan halkii laga aqoonsayahay Basaborkaasi”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha guduhu Warancade, waxaanu intaas ku daray “ Si aanay cilaaqaadka xuduudeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya u xumaynin ayey u joojiyeen inay ka baxaan wixi sita Basboorkaasi Somaliland, waxaana u sheegaya dadka sita basboorkaasi inay maraan xuduudda kale ee ay la wadagaan”

“Nin si dhuumasho ah ku samaynaya Baasborka oo shandad iyo labtop sita oo DHL-ka loo soo dhigaa maaha mid lagu kalsoonkaraano cid ka masuulina ma jirto marka anagu Baasboorkaasi ma aqoonsani”ayuu raaciyey hadalkiisa mar uu ka hadlayey qaabka loo sameeyo basaboorkaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii dad sita Baasboorka Soomaaliya iyo Somalilandba lagu xidhay magaaladda Jigjiga ee Itoobiya ,inkastoo markii dambe la siidaayey, haseyeeshee dadweynaha u safra Itoobiya ayaa basaboorada ay sitaan dhibaato kala kulmay dawlad deegaanka Soomaalida, waxaana bishii u dambaysay aad loo adkeeyey amniga Itoobiya, madaama oo Jiga Jiga lagu qabanayo maalinta qoomiyadaha Itoobiya, taasina waxay keentay inuu yaraaddo isku gudubta xuduudaha.

Sidoo kale, laba cisho ka hor waxa qarax ay laba qof ku dhinteen ka dhacay magaaladda Addis abab, gaar ahaan xaafadda ay soomaalidu ku badan tahay ee Booli, taasina waxay sii xoojiyey adkeynta amniga iyo in si adag loo baadho dadka soomaalida ee tagaya Itoobiya.

Hore umay dhicin in dad sita Passpor-ka Somaliland in lagu xidho Itoobiya, maadaama oo itoobiya ogoshahay in dalkeedda lagu galo basbarkan Somaliland.

Wakiila Itoobiya u jooga Hargeysa oo wax laga waydiiyey dadka somaliland ee ay u Fiiseeyeen Basboora sababta loo xidhay ayaa ku gaabsaday inay labadda dawladood ka wada hadli doonaan, isla markaana ka shaqayn doonaan in si fiican la iskugu gudbo.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan soo cusboonaaday iyo welwelka ay dadka Somaliland ka qabaan tagitaanka Itoobiya in dhibaato ka soo gaadho ayaa keentay in xukuumadda ka hadasho arrimaha isku socodka iyo qaabkay labadda dhinac u wada shaqayn lahaayeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland