4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2013
Qarax ay ku dhinteen laba oo la sheegay inay Soomaali yihiin oo maanta ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Isniin, Oktoobar 14, 2013 (HOL) — Laba qof oo Soomaali ah ayaa dhintay kaddib markii ay la qarxday bambo ay farsameynayeen ay kula qaraxday guri ay ka deggenaayeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku qulqulayeen kumannaan qof si ay u daawadaan ciyaar ka tirsan is-reeb-reebka koobka adduunka oo maanta ka dhacay Addis Ababa.

“Mid ka mid ah labada qof ee dhintay asalkiisu waa Soomaali,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Itoobiya, Ridwaan Xuseen oo la hadlay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in labadan qof aysan haysan sharci ay dalka Itoobiya ku joogaan, waxayna guri ka kireysteen buu yiri xaafadda ay sida aadka ah u dagto Soomaalida oo ku dhow garoonka diyaaradaha Itoobiya, halkaasoo uu qaraxu ka dhacay.

Ma cadda in labadan ruux ay doonayeen inay beegsadaan garoonka lagu ciyaarayaha iyo in kale. Iyadoo weerarkan uu imaanayo xilli ay Al-shabaab dhawaan ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dallaka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

“Cid soo dirsatay labadan qof lama oga, mana jirto cid sheegatay qaraxan dhacay inay mas’uul ka ahayd, sidoo kalena lama oga halka ay doonayeen inay beegsadaan,” ayuu wasiirka warfaafintu hadalkiisa ku daray.

Xukuumadda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inaysan wax baqdin ah ka qabin weerarro kaga yimaada Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu walaac xooggan ku dhaliyay mas’uuliyiinta dalka Itoobiya.

Al-shabaab oo bishii hore weerartay dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen 67-qof, ayaa ku goodisay inay mar kale weerarro ka geysanayso dalalka dariska ah oo ay Kenya ku jirto, kuwaa oo ay ku eedeysay inay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya ayaa sheegay inay horay u fashiliyeen dhowr isku-day oo la doonayay in qaraxyo looga geysto Addis Ababa, kuwaasoo uu ka tilmaamay weerar la doonayay in sannadkii 2011 lala beegsado xarunta Midowga Afrika oo Addis Ababa ku taalla. Isagoo intaas ku daray inay ka jirto Itoobiya feejignaan dhinaca ammaanka ah.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kumannaan askari oo aan ka mid ahayn kuwa AMISOM, iyadoo Al-shabaab ay dalalka ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya ugu baaqday inay ciidamadooda kala baxaan Somalia haddii kale ay la beegsan doonaan weerarro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya