4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo markii ugu horreysay ka hadlay Joogitaanka Ciidamada Kenya iyo Weerarkii Westgate Mall


Isniin, Oktoobar 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul waasaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay doonayso in ciidamada Kenya ay sii joogaan Soomaaliya, isagoo xusay in kooxihii ka dambeeyay weerarkii Westgate Mall aan la oran karin waa Soomaali.

Mudane Saacid oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatooyinka amni xumo ee ka taagan dalka Kenya.

“Aad ayaan uga mahadcelinaynaa ciidamada Kenya caawinta ay Somalia ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, waxaana doonaynaa inay sii joogaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu doonayo in ciidamada Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya iyo in kale.

Isagoo sii hadlay ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhexeyso walaalnimo xooggan, uuna madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto uu kula talinayo inay dhabahaas hayaan.

Maanta oo ay bisha Oktoobar tahay 14 ayaa waxay ku beegan tahay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya laba sano ka hor, iyadoo dhowr jeer oo hore ay xukuumadda Soomaaliay ku baaqday in ciidamada Kenay ay dhibaatooyin ka geysteen magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen dhismaha ganacsi ee Westgate Mall, isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin dadkii ku dhintay weerarkaas oo ay tiradoodu ahayd 67-qof.

Su’aal ahayd sida uu u arko hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Kenay oo ahaa in falalka ammaan-darro ee ka dhaca dalkiisa ay ku lug leeyihiin dad Soomaali ah, ayuu ra’iisul wasaaruhu kaga jawaabay in taasi aysan waxba ka jirin, isagoo sheegay in weerrarada ka dhacaya Kenya ay geysanayso Al-shabaab.

“Hadalka madaxweynaha Kenya waxaan u fahmayaa inuu yahay mid xanuun iyo walaac uu qabo ka dhashay. Al-shabaab dhammaanteen dhibaato ayay nagu haysaa, falalkooduna waa gobolka oo dhan ku reebay xanuun. Markii uu dhacay weerarkii Kenya waxaan wacay madaxweynaha Kenya, waxaana uga tacsiyeeyay dhibaatadii halkaas ka dhacday,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Mar kale ayaa la weydiiyay su’aal ahayd: dhibaatooyinka ammaan-darro ee ka dhacaya dalka Kenya ma lagu eedeyn karaan Soomaaliya, isagoo kaga jawaabay: “Dhibaatooyinka ammaan-darro ee ka dhacaya Kenya waa kuwo aad looga xumaado. Argagaxisadu ma lahan midab lagu garto. Dhibaatada ka dhacaysa Kenyana waa mid dhammaanteen na taabanaysa.”

Ra’iisul wasaaraha oo arrrintan kasii hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay tahay koox ku xiran ururro caalami ah sida Al-Qaacida, isagoo ka dalbaday dowladda Kenya inay gacan ka geysato sidii looga adkaan lahaa, ayna iska kaashadaan labada dal wararka sirdoonka, falalka ay Al-shabaab geysatana aan dusha laga saarin Soomaaliya.

“Dowladda iyo shacabka Kenya waxaan weydiisanayaan inaysan dhibaatadii ka dhacday u dhibaateyn qof Soomaali ah ama qof Kenyan ah, waayo kuwii weerarkii Westgate Mall geystay ma ahan kuwo leh midab la yaqaan iyo dal ay u dhasheen,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka jireen 22-kii sano ee lasoo dhaafay dhibaatooyin isugu jira colaado, abaaro, faqri iyo argagaxiso, balse ay haatan ku talo-jirto inay ka gudubto, isagoo xusay in dalku uu ku socdo jidkii horumarka iyo dib u soo laabashada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya