4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Sheekh Maxamed Yaasiin oo Shaaciyay in uu isku soo taagayo Doorashada Madaxweynenimo ee Maamul Goboleedka Puntlland
M1530020.jpg
Axad, October 13, 2013(HOL) - Sheekh Maxamed Yaasiin oo ah maalqabeen Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inuu isu soo taagayo tartanka doorashada madaxtinnimo ee la filayo in bisha Janaury ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee xarunta u ah Puntland.

Maxamed Yaasiin ayaa horay uga soo qaybgalay doorashooyinkii madaxtinnimada Soomaaliya ee sannadihii 2004 iyo 2012- kuwaasoo aysan u suuroobin inuu ku guulaysto.

"Waxaan ku rajo waynahay inaan ku guulaysanayo waayo waxaan kamid ahay aasaasayaashii Puntland waxaanan ahay nin isu keeni kara dadka reer Puntland ee wax kala tabanaya" ayuu yiri musharraxan cusub oo ku biiray musharrixiin dhowr ah oo horay uu shaaciyay inay u tartamayaan madaxtinnimada Puntland kuwaasoo uu kamid yahay Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Cali Gaas.

Sheekh Maxamed Yaasiin ayaa sheegay inuu cadaalad iyo kitaabka ilaahey ku dhaqi doono dadka ku nool deegaanadaas isagoo farriin adag u diray madaxweynaha haatan talada haya C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ugu baaqay in uu qabto doorasho hufnaan iyo cadaaladi ku dheehantahay.

"Madaxweyne C/raxmaan waxaan ugu baaqayaa inuu doorasho xalaal ah qabto uuna xukunka si sharaf leh u wareejiyo sidii sharafta lahayd ee isaga loogu wareejiyay oo kale hadii laga guulaysto, waxaani waa ammaano dad u dhiibteen ee maahan wax shaqsi gaar ahi leeyahay" ayuu yiri Xaaji Maxamed Yaasiin.

"Waxaan u ballanqaadayaa dadweynaha Puntland inaan u noqdo adeege ee aanan noqon sida madaxda hadda jirta ee iyaga loo adeego" ayuu sii raaciyay khudbad dheer oo u jeediyay warbaahinta taasoo uu ku qabtay hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.

Mar wax laga waydiiyay sida uu wajahi doono xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Puntland iyo dawlada Federaalka ah ayuu sheegay in Puntland ay tahay qayb kamid ah Soomaaliya ayna waligeed ahaan doonto balse loo baahanyahay in wixii khilaafaad ah ee jira lagu dhammeeyo wadahadal iyadoo la adkaynayo midnimada iyo jiritaanka ummada Soomaaliyeed lana tixgalinayo danaha gaarka ah ee dadka ku nool deegaannada Puntland.

M1530014.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya