4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Kulan looga hadlayay Amniga oo Muqdisho ka dhacay iyo Taliyaha Booliiska oo ka hadlay Qodobbadii kasoo baxay kulanka (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka dalka ayaa xalay lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen ra’iisul wasaare Saacid, saraakiisha ciidamada ammaanka iyo taliyeyaal.

Taliyaha booliiska Somalia oo kulanka kaddib la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in qodobbadii kaso obaxya kulanka ay ka mid yihiin in la xoojiyo sugidda ammaanka Muqdisho iyo ka hortagga kuwa dhibaatooyinka geysta.

“Qodobbada kasoo baxay kulanka waxaa ka mid ah ammaanka la adkeeyo lagana hortago kuwa falalka ammaan-darro ka geysanaya Muqdisho,” ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. C/kariin Daahir Siciid (Saacid) oo ku daray hadalkiisa in la dar-dargelinayo xoojinta amniga Muqdisho.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in qodobbada soo baxay ay ka mid yihiin sidii in la sameeyo ciidammo gaar ah oo ka hortaga kuwa hubka ku dhex-wata magaalada, isagoo xusay in qof walba oo hub ku dhex wata magaalada la qaban doono.

“Waxaa la isku raacay in ciidammo gaar ah oo leh direys gaar ah laga howl-geliyo Muqdisho si ay uga hortagaan kuwa hubka sharci-darrada ah wata iyo kuwa hubka sharciga ah wata, balse sida khaldan u isticmaalaya,” ayuu yiri Jen. Saacid.

Taliyaha ayaa wuxuu sidoo kale xusay in qof walba oo lagu qabto hub haddii uu yahay mid sharci u haysta oo si khaldan u istimaalay iyo haddii uu yahay qof aan sharci u haysan, isagoo xusay in sharciga lala tiigsan doono.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan la siin doono sharciyo gaar ah oo lagu aqoonsado saldhigga uu ka tirsan yahay, ayna ka barbar shaqeyn doonaan xafiisyo loosoo gudbiyo cabashooyinka ku laga tabanayo ciidamadan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya