4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Dowladda Kuwait oo sheegtay inay Malaayiin Doollar ku bixinayso dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe

Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay ku dhisayso garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyo jaamacadda Maakhir lacag dhan 10-milyan oo doollar oo amaah ah.

Malaayiintan doollar ayaa la sheegay inay deyn ku tahay Soomaaliya, iyadoo ay bixinayso hay’adda dalka Kuwait u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha Carabta oo xaruntoodu tahay magaalada Kuwait ee xarunta dalkaas.

Dhaqaalahan ayay sheegtay xukuumadda Kuwait in labadan mashruuc lagu maal-gelin doono iyadoo sheegtay inay labadan mashruuc qayb ka yihiin dib u dhiska lagu sameynayo dalka, ayna ka faa’iideysan doonaan shacbka oo dhan.

Garoonka diyaaradaha Garoowe ayay sheegtay in loogu talogalay inuu noqdo mid ay sii maraan soona maraan diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka ee isaga gooshaya Soomaaliya iyo dalalka calaamka ayna mid isticmaalkiisu fudud yahay ammaanna ah.

Mashruuca dhismaha garoonka ayaa waxaa qayb ka ah dhismaha wadada ay ku cararaan diyaaradaha, dhismaha rakaabka, taawar laga hago diyaaradaha, barxad ay diyaaradu fariistaan, nalalka iftiiminaya waddada ay ku cararayaan diyaaraduhu iyo xarun weliba dab-damis.

Sidoo kale, mashruuca kale ee ah dhismaha jaamacadda Maakhir ayaa waxaa ka mid ah dhismaha kambaska guud ee jaamacadda, qolka shirarka, sheybaar, garoon ciyaareed, maktabad, qolka kambiyuutarrada iyo weliba qaybo kale oo jaamacadda ay ka kooban tahay.

Ugu dambeyn, dowladda Kuwait ayaa sheegtay in lacagtan daynta ah ay ka mid noqonayso lacago ay dowladoodu horay u damisay Soomaaliya, taasoo gaaraysa 28.8 milyan oo doollarka Mareyanka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya