4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Guddoomiyaha Gobalka Bay oo dib ugu laabtay Baydhabo kana war-bixiyay safarro uu kusoo maray dalalka caalamka qaarkood

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosow ayaa maanta dib guu laabtay Muqdihso isgaoo ka warbixiyay safarro uu kusoo maray dalalka caalamka qaarkood, isagoo ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay shirkii Brussels.

Mudane Hoosow ayaa u sheegay warbaahinta inuu lasoo kulmey shirkado iyo hay’ado badan oo ku sugan Muqdisho iyo dalka dibaddiisa, kuwaasoo uu ku sheegay hadalkiisa inay doonayaan inay gargaar gaarsiiyaan gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

“Hay’adaha samafalka ee aan lasoo kulmay waxay doonayaan inay goballada Koonfureed wax ka qabtaan, gaar ahaan inay geynayaan gobolladaas oo ay ku jirto Bay gargaar kala duwan, balse waxay ii sheegeen inaysan hayn wax mashaariic horumarineed ah oo ay ka fulinayaan,” ayuu yiri Hoosow.

Guddoomiyaha oo Baydhabo ku tagay diyaarad ay ka muuqatay astaanta UN-ka ayaa si wanaagsan loosoo dhaweeyay, iyadoo ay amnigiisa sugayeen ciidamada AMISOM, isagoo shacabka Baydhabo kula hadlay fagaaraha Afar-Irdoodka oo ku yaalla bartamaha Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo