4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia oo dhagax-dhigay xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
saacid-taliyaha.jpg
Jimco, October 11, 2013 (HOL) - Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Gen. C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) ayaa dhagax dhigay xarunta kulleejka gabdhaha agoonta booliska Soomaaliyeed isagoo sidoo kalana kormeeray xarunta oo ay hadda ka socoto dhib u dhis balaaran.

Waxaana xaruntaas loogu talagalay in lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta Booliska Soomaaliyeed.

General Saacid ayaa sheegay inay dadaal xoogan ay u galeen sidii ay dayactir ugu samayn lahaayeen xarunta lagu xanaaneeyo gabdhaha ay dhaleen ciidamada Booliska ee u geeriyooday dalkooda,wuxuuna tilmaamay inay taasi dhiiri gelin wayn u tahay ciidamada Booliska ee la dagaamalaya kooxaha dhibaatada ka wada dalka.

Wuxuu xusay inay xarunta kulleejka gabdhaha ciidanka Booliska ay taariikh fog u leedahay ciidamada Booliska, wuxuuna tilmaamay in la dhisay sanadkii 1950kii isagoo sheegay in markii la dhisay sanadkaas lagu bilaabay 19 gabdhood oo ay dhaleen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale taliyaha ayaa kormeeray saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Booliska oo ay ka socdeen dayactir kuwaasoo ay kamid yihiin saldhigyada degmooyinka X/wayne, Waabari iyo deegmada Madiina.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya