4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in Shirkadda SKA ay shaqada garoonka uga joojiyeen wax-qabad la’aan

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Somalia, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta sheegay in sababihii shirkadda SKA & Logistic ee maamuli jirtay garoonka diyaaradaha Muqdisho shaqada looga joojiyay ay tahay waxqabad la’aan, isagoo xusay inay muddo badan ka fikirayeen sidii ay u heli lahaayeen shirkad bedesha.

Mudane Ciil-mooge ayaa sheegay in shirkadda FAVORI LLC ee dhawaan lagu wareejiyay maamulka gobolka diyaaradaha Muqdihso oo ka diiwaan-gashan dalka Turkiga ayuu sheegay inay ku doorteen waxyaabo badan oo ay ugu horreyso casriyeyn ay ku sameynayso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Shirkada SKA & Logistic oo maamulaysay garoonka Aadan Cadde muddo ayaan ka fikiraynay sidii aan u heli lahay shirkad kale oo noo bedesha, shirkadda aan hadda garoonka maamulkiisa u dhiibanyna waxaan ku dooranay arrimo badan oo ay ka mid yihiin inay garoonka ballaarinayso ayna casriyeyn ku sameynayso,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in shirkaddan FAVORI sababta ay ku doorteen ay tahay inay u ballanqaaday inay garoonka diyaaradaha dib u casriyeyn ku sameyn doonto muddo sideed bilood gudahood ah.

“Shirkadan waxay noosoo bandhigtay naqshadeynta garoonka iyo sidii loogu sameyn lahaa ballaarin, waayo garoonka waa yar yahay, wuxuuna u baahan yahay in la ballaariyo, lagana dhigo garoon caalami ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo u warramayay warbaahinta dowladda.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay in qorshayaashooda ay ka mid yihiin sidii dib loo howlgelin lahaa shirkaddii Somali Airlines, dibna loogu soo celin doono Soomaaliya dhaqaalihii laga ururin jiray hawada Somalia labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay isbedel ku yimaada garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, kaasoo howshiisu ay noqotay mid si aad ah sare ugu sii kacaysa, ayna kasoo dagaan diyaarado calaami ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya