4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Mid ka mid ah Qurbo-joogta kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka Gudoomiyaha Gobolka

Khamiis, October 10, 2013(HOL) :- Iyadoo dhawaan la filayo  in magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka dhacdo doorashada maamulka gobolka Hiiraan taasoo ay qabanqaabadiisu imika socoto ayaa waxaa isu soo taagay xilka gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Injineer C/casiis Axmed oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee dalka Switzerland.

Munaasibad ka dhacday Hotel Universal ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay  kasoo qeybgaleen xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan, siyaasiyiin iyo wax garad kale ayuu masuulkani ku shaaciyay musharaxnimadiisa xilka gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Goobtii ay xafladda ka dhaceeysay ayaa wax aa khudbado kala duwan oo isugu jiray taageero iyo dhiirigelin ka jeediyay qaar katirsan xubnihii lagu casuumay, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay kamid ahaa XIldhibaan Max’ed Xasan Ibraahim (Qoono), ka asoo sheegay in musharaxan uu yahay mid wax weyn ka badali kara marxaladda uu imika ku suganyahay gobolka Hiiraan.

Inj. C/casiis Axmed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan uu wax weyn ka qaban doono dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wax aka socoto qabanqaabo ku aadan doorashada maamulka gobolka oo ay soo dooornayaan dadka deegaanka, waxaana halkaasi ku sugan xildhibaanno iyo gudi ka socda wasaaradda arimaha gudaha, kaasoo la socon doona habka u dhaceyso doorashada.

Masuulkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo shaaca ka qaada in uu u sharaxanyahay xilka gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya