4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Wasiirrada Somalia oo soo dhaweeyay Weerarkii Mareykanku uu ku qaaday degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Shir ay golaha wasiirradu maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kusoo dhaweeyeen duqeyntii uu ciidammo ka tirsan kuwa Mareykanku ka fuliyeen horraantii toddobaadkan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladdu ay dar-dar gelin doono howlaha lagula dagaalamayo Al-shabaab oo deegaanno dalka ka tirsan la talisa.

“Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab, danta laga leeyahay arrintanna waa sidii Soomaaliya oo dhibaato dhinaca amni-darrada ah kusoo jirtay muddo sannado ah ay uga bixi lahayd, waxna looga qaban lahaa dhibaatooyinka Al-shabaab ay dadka Soomaaliyeed ku hayso,” ayuu yiri afhayeena xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo shir jaraa’id qabtay kulanka kaddib.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uga war-bixiyay wasiiradda aragtida dowladda ee howgalkii Mareykanku uu degmada Baraawe ka fuliyay ka fuliyay degmada Baraawe, isagoo ku sheegay mid ka mid ah iskaashiyada ay dowladdu ku cirib-tirayso Al-shabaab.

“Iskaashiga noocaas ah waa iskaashi ay dowalda Soomaaliya la wadaagayso dowladda iyo hay’ado fara badan oo caalami ah,” ayuu sheegay afhayeenku inuu ku sheegay warbixintiisii maanta.

Dhinaca kale, afhayeenka ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay meel-mariyeen maanta hindise sharciyeedka Runta iyo dib-u-heshiisiinta, kaasoo uu sheegay in dhawaan la horgeyn doono baarlamaanka si loo ansixiyo.

“Wsiirrrada dowladdu waxay sidoo kale maanta meel-mariyeen hides sharciyeedka Runta iyo dib u heshiisiinta, waxaana hidinsahan la horgeyn doonaan baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka.

Ugu dambeyn, wuxuu afhayeenku sheegay in golaha wasiirradu ay kaga doodeen shirkooda arrimo kale oo ay ka mid yihiin ammaanka dalka iyo sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha looga hortagayo amni-darro ka dhacda gudaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya