4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Dowladda Soomaaliya oo ka Digtay Dhibaatada Nololeed ee ka Dhalan karta Xayiraadda uu soo rogay Bangiga Barclays

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay dhibaatada nolosheed ka dhalan karta xayiraadda uu bangiga Barclays ee dalka Britain uu kusoo rogay xawaaladaha Soomaalida.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay inta badan ku tiirsan yihiin lacagaha ay u soo diraan ehelladooda dibadaha ku nool sida Yurub iyo waqooyiga Mareykanka, kuwaasoo soo mari jiray shirkadaha xawaaladaha.

“Haddii bankiyadu ay joojiyaan xiriirkii ay la lahaayeen xawaaladaha lagu diro lacagaha taasi waxay dalkeenna ku keenaysaa musiibo, waayo dalku wuxuu hadda ka baxayaa colaadihii sokeeye, waxaana uu ku socdaa jidkii uu dib ugu dhismi lahaa,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo ku sugan London.

Wasiirka oo sii hadlay ayaa sheegay in dalku uu ku jiro habkii uu dib ugu soo dhisi lahaa ilihiisa dhaqaalaha oo ay bangiyadu ku jiraan, wuxuuna xusay in aan la xallin karin dhibaatada jirta haddii aan la ogaan dhibaatada jirta.

Intii ay Soomaaliya ku jirtay dagaallada sokeeye, waxaa dadkii gudaha dalka ku haray lacagaha loosoo marsiin jiray xawaaladaha, maadama ay burburka qayb ka noqdeen bangiyadii lacagaha lasoo marin jiray.

Lacagaha dibadda dalka laga soo diro ayaa waxay u dhexeeyaan hal illaa laba bilyan oo doollarka Mareykanka ah. Waxaana sannadihii lasoo dhaafay ay bankiyada dalka Mareykanka iyo kuwa Britain ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen xawaaladaha lacagaha lasoo mariyo.

Bangiga Barclays ayaa wuxuu noqday kii ugu dambeeyay oo joojiya xiriirkii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida, kaddib markii uu sheegay inuu baqdin ka qabo in lacagaha qaarkood ay gacanta u galaan kooxaha ka dagalaama Soomaaliya sida Al-shabaab.

Shirkadda Dahabshiil oo ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ayaa sheegtay in ma’suuliyiinta Bangiga Barclays ay diideen inay kala hadasho habka ay doonayaan in xawaaladoodu ay ku shaqeyso si ay lacagaha u dirto dadka ku nool gudaha Soomaaliya, iyadoo isticmaalaysa bangigaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya