4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Xarakada Al-shabaab oo Ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay in Dekedda Kismaayo ay ka Dhoofsadaan Dhuxusha

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Al-Shabaab ayaa sheegtay inaan laga dhoofin karin dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo, iyadoo uga digtay ganacsatada dhuxusha inay dhuxul ka dhoofiyaan dekedda Kismaayo.

Ganacsatada dhoofisa dhuxusha ayaa sheegay in Al-shabaab ay amarka ku soo rogtay, iyadoo Al-shabaab ay intaas ku dartay in haddii ay aragto gaari dhuxul sida oo kusii jeeda Kismaayo ay gubi doonto.

“Saraakiisha Al-shabaab ayaan la kulannay waxayna noo sheegeen inaan ka dhoofin karin dhuxul dekedda magaalada Kismaayo,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada dhuxusha.

Ganacsatadan ayaa sheegay intaas ku daray in Al-shabaab ay soo saartay amar ay ku joojinayso in dhuxusha laga jaro deegaannada ay ka taliso, taas oo ay ku sheegeen inay tahay cunno-qabteyn ay kusoo rogtay Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedeysay maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidamada Kenya inay dhuxul ka dhoofinta dekedda Kismaayo, taasoo uu maamulku horay u joojiyay.

Al-Shabaab ayaa xilligii ay maamulayeen Kismaayo waxay dhaqaalaha ugu badan ka heli jireen dhoofinta dhuxusha, iyadoo dhowr mar dhuxul laga dhoofiyay dekedda Kismaayo.

Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo ah halka ugu badan ee laga dhoofin jiray sannadihii ugu dambeeya dhuxusha, halkaasoo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

Amarkan soo saaray Al-shabaab ee ku aaddan dhoofka dhuxusha ayaa wuxuu u muuqdaa mid cunno-qabteyn lagu saarayo maamulka Sheekh Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo gacanta ku haya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya