4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo saaka weeraray Tuulo ay ka Talinaysay Al-shabaab oo u dhexeysa Baydhabo iyo Waajid

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weeraray tuulo la yiraahdo Ceeldhuun-Adeegow oo 45-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, deegaankaas oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab waxaana marta waddo oo xiriirisa Waajid iyo Baydhabo.

Weerarka ayaa kadis ku noqday ciidamada Al-shabaab oo deegaankaas ku sugunaa, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacado ah, waxaana la soo sheegayaa inay ka dhasheen dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa waxay sheegayaan in afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen, iyadoo ciidamada dowladda ay dagaalkaas kaddib isaga soo tageen, halkaas, waxaana wararku intaas ku darayaan inay ciidamada dowladdu kasoo carareen laba askari oo dhaawacyo qaba.

Hiiraan Online, Baydhabo