4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
UHURU KENYATTA: “Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan Soomaaliya waxay la dagaalami doonaan Xarakada Al-shabaab”

Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay dagaal kula geli doonaan gudaha dalkaas Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyad weerar maalmo qaatay oo toddobaadkii hore lagu qaaday suuqa Westgate Mall.

Kenyatta wuxuu sheegay in ciidamadooda aysan ka bixi doonin Soomaaliya, balse ma uusan sheegin inay ciidammo kale ku kordhin doonaan iyo in kale, isagoo sheegay in kooxda Al-shabaab oo uu ugu yeeray argagaxiso ay dhib ku hayaan shacabka Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

“Ciidamada Kenya kama baxayaan Soomaaliya, waxayna dagaal adag la geli doonaan kooxda hubeysan ee Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya oo ka hadlayay munaasabad duco ahayd oo Nairobi loogu sameeyay maanta 70-kii qof ee ku dhintay weerarkii Westgate Mall.

Kenya ayaa waxay kumannaan askarteeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya sannadkii 2011, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin qaraxyo, dilal qorsheysa iyo afduub laga geystay gudaha Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Westgate uu ahaa mid ay kaga aargudanayeen ciidamada Kenya oo ay sheegeen inay dad badan ku dileen gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo oo ku yaalla Koonfurta Somalia.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay ugu baaqday Kenya inay ciidamadeeda ugala baxdo gudaha Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan haddii ay doonayso in dalkeeda uu nabad noqdo, haddii ay la bixi waydana ay la kulmi doonaan weerarro kale oo la mid ah kii Westgate Mall.

Inkastoo ciidanka Kenya ay ku biireen howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa haddana Al-shabaab waxay ku eedeysaa inay dhibaato ka duwan kuwa ay geystaan ciidamada kale ee AMSIOM ay kuwa Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay inuu dhawaan magacaabi doono guddi baaris ku sameeya sida uu ku dhacay weerarkii Westgate Mall, dhibaatada dhacday inta ay le’eg tahay iyo weliba sidii ay hay’adaha amnigu ay uga hortegi lahaayeen weerarro noocan oo kale ah oo mustaqbalka dhaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya