4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo sheegay in Argagxisadu ay beegsadaan dhallinyarada Kenyanka ah ee aan Shaqooyinka haysan

Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ah ay beegsadaan inta badan dhallinyarada aan shaqooyinka haysan ee Kenya, si ay ugu biiraan oo ay ugu dagaalamaan.

Ruto wuxuu sheegay in kooxihii weeraray Westgate Mall ay ahaayeen kuwo lagu beeray fikirka, isagoo xusay in xukuumadu ay wax ka qabanayso sidii looga bixi lahaa dhibaatada shaqo la’aaneed ee haysata dhallinyarada.

“Xukuumaddu waxay kala shaqeynaysaa koox ay dhalliyarada Kenya iska soo xuleen sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa oo aan hadda fadhin,” ayuu hadalkiisa ku caray madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Ruto.

Isagoo ka hadlayay xaflad loogu duceyayay dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay dhawaan magaalada Nairobi ayaa sheegay in fikirka argagaxisadu uu yahay in la laayo caruurta, haweenka iyo dadka aan waxba galabsan.

“Fikirka argagaxisu waa mid ku dhisan diin waa mid aan la aqbali karin mana ahan mid jirta, ma jiro fikir uu ku dhisan yahay. Muslimiinta, kirishtaanka iyo Hinduusku si isku mid ah ayay uga damqadeen dilkii loo geystay shacabkii ku sugnaa Westgate Mall,” ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Muslimku waa inuu ilaaliyaan Kirishtaanka Kenyanka ah, sidoo kale Kirishtaanku waa inay ilaaliyaan Muslimiinta Kenyanka ah, argagaxisaduna ha aaddo naarta.”

Wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Al-shabaab ay sheegto inuu ahaa weerarkii ay Kenya kusoo qaadeen mid ay uga aargudanayaan dhib ay ciidamada Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya. Isagoo xusay in sababta ay ciidamada Kenya u galeen gudaha Soomaaliya ay ahayd markii kooxaha argagaxisada ah ay soo tallaabeen xuduudda ayna dhibaatooyin ka geysteen gudaha Kenya.

“Haa… qorshaha aan u galnay Soomaaliya waa inaan sugno ammaankeenna, balse qorshaheennu ma ahayn inaan u galno Soomaaliya inaan dhibaato ku noqono dalkaas aanu dariska nahay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Ruto ayaa sheegay in shacabka Kenya iyo hay’adaha amniga looga baahan yahay inay iskaashadaan si ay uga hortagaan weerarrada ay geysanayaan kooxaha argagaxisada ah. Isagoo intaas ku daray inaysan dhici doonin in weerar argagaxiso laga geysto gudaha Kenya mar kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya