4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
MADAXWEYNE SIILAANYO “Waxaan Cadyenayaa in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan haddii la wada-hadlo iyo haddii kale”


Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmauud (Siillaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo , ayaa maanta u anbabaxay dalka Turkiga kaas oo uu casuumad ka helay.

Madaxweynaha ayaa inta aanu dalka ka dhoofin warbaahinta kula hadlay madaarka ayaa sheegay inuu Turkiga u tagayo sidii uu u xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya, isla markaana uu turkigu yahay mid xidhiidh taariikhiya la leh Somaliland.

“Waxaanu u baxaynaa dalka turkiga oo aanu martiqaad ka helnay oo aanu kula kulmi doono madaxda dalkaasi oo aanu ka wada hadli doono danaha ka dhexeeya labadda dal iyo wixii dann inoo ah”ayuuyidhi madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlayey safarkiisa shaqo ee uu u anbobaxayo Turkiga, waxaanu intaas ku daray ““wadankaasi waxa inaga dhexeeya danno taariikhi ah mucaawimooyin badan baynu ka helnaa”.

“Waxaan jeclahay in aan cadeeyo had iyo goor waxa uu hadal ka soo yeedhaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taas oo uu ku tilmaamo wada hadal noo socda in aanu nahay dal kala maqan oo isku iman doonno”ayuu yidhi Axmed Siillaanyo oo ka hadlayey inay muqadas tahay madax banaanidda Somaliland, waxaanu intaas raaciyey “waxaan cadaynaa in Somaliland tahay qaran madax banaan haddii la wada hadlo iyo haddii aan la wada hadalba aan marnaba laga noqonayn madax banaanideeda oo aan caadifad ku dhisnayn ee umadooddu go’aansatay inay madax banaanideedu tahay mid muqadas ah, laakiin wixii wada hadal ah iyo wixii danno ah wax aanu ka qabnaa ma jiro”.

Weftiga madaxweynuhu hogaaminayo ayaa waxa ka mid ah wasiirka Arrimaha Dibadda, wasiirka Ganacsiga, macdanta iyo biyaha iyo gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo xubno kale.

Waxaana madaxweynaha madaarka ku sii sagootiyey madaxweyne ku xigeenka Md:Cabdiraxmaan Saylici iyo Raxan wasiiro ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Guddi qaadhaan Ururin ah u magacaabay  dhismaha Waddada Ceerigaab ee gobolka Sanaag oo ka kooban 13 qof oo iskugu jira wasiiro, xildhibaano,haween, culimo iyo odayaal, waxaanu gudoomiye uga dhigay wasiiirka wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

“Sida aad la socotaan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan-tahay horumarinta Dalka, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee adeegga bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.  Haddaba, waxa socda ollolaha wadada Ceerigaabo oo aan dhawaan dhagax-dhigay, wadadaas oo Dalka u leh muhiimad weyn, wax-weyna ka taraysa dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku xidhka Dalka”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, waxaanu guddidaasi ka codsaday inay degdeg shaqadoodda u bilaabaan.

Si kastaba ha ahaatee, guddidan waxa ku jira xubno mucaarad ku ahaa xukuumada oo inta badan dhaliilo usoo jeediya iyo Marwo: Ilhaan Maxamed Jaamac oo hore u ahayd wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda oo uu madaxweynuhu sanad iyo badh ka hor xilkii wasiirnimo ka qaaday.





Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland