4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dagaalka lagu soo af-jarayo Kooxda Al-shabaab wuxuu qaadan karaa muddo fog”


Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in nabad lagu soo celiyo Soomaaliya ay u baahan tahay in la-laba-laabo dagaallada lagu jiro Al-shabaab, isagoo intaas ku daray in dagaalka lagu soo af-jarayo kooxdan uu noqon karo mid socda muddo fog.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay khudbaddii uu ka jeediyay shirkii sannadlaha ahaa ee Qaramada Midoobay 26-kii bishii lasoo dhaafay, isagoo xusay in dunida looga baahan yahay inay Soomaaliya ka caawiso sidii ay u so oaf-jari lahayd kooxdan.

“Al-shabaab ma ahana koox khatar ku ah Soomaaliya oo keliya, balse waxaa muuqata inay khatar ku tahay dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale, ma ahan hadda koox dhibaato ku haysa Soomaaliya oo keliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray. “Al-shabaab way tabar-darreysay balse weli ma aysan dhiman. Waxaan u baahannahay taageero aan kusoo afjarno, waxaan ugu baaqayaa dalalka aan saaxiibbada nahay inay naga caawiyaan sidii aan ku soo af-jari lahayn.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday suuqa Westgate Mall, isagoo sheegay in taasi ay caddeyn u tahay in  Al-shabaab ay dagaalkeeda ku baahisay gobolka.

“Kooxdan argagaxisada ah wax naxariis ah uma hayaan shacabkeenna, sida ay u beegsadeen Nairobi iyo Muqdisho oo kale ayay meelo kalena u beegsan karaan,” ayuu hadalkiisa ku daray. Isagoo sii raaciyay. “Al-shabaab kulama aanan dagaalamin oo keliya qoriga ee waxaan sidoo kale kula dagaalannay warbaahinta, waana kaga adkaanay.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka sheegay Muqdisho maalin ka hor inay jirto khatar kasoo wajahan Al-shabaab, isagoo ciidamada iyo shacabka ugu baaqay inay ka hortagaan khatartaas.

Ma uusan sheegin madaxweynuhu khatarta Al-shabaab kasoo wajahan, balse wuxuu muujiyay in kooxdan aysan marna cagta dhulka dhigayn oo ay maleegayaan xilli walba dhibaato ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka sameysay dowladdiisu hormar weyn dalka, ayna heshiis la gashay maamulka KMG ah ee Jubba, ayna wadahadallo kula jiraan maamulka Somaliland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya