7/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2013
Dadkii ku geeriyooday Qaraxii Hotel Maka Al-Mukarama waxaa ka mid ahaa ku-simihii Daanjiraha Safaaradda Somalia ee UK


Sabti, November 09, 2013 (HOL) —  Qaraxii ka dhacay hoteelka Maka Al-Mukarama dadkii ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Aadan Cali (Dhuub) oo ka mid ahaa jaaliyadda Soomaalida UK. Dhuub Alla ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka Soomaalida ah eek u nool dalka UK oo si aad ah ugu ololeyn jiray dib u soo laabashada sumcadda Soomaaliya.

Dowladdii ugu dambeysay ee KMG ahayd ayaa Dhuub u magacowady inuu isku xiraha dowladda Soomaaliya iyo dowladda Ingisriiska; isagoo dhanka kalena ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee jaaliyadda Soomaalida-UK; isagoo xafiis ku lahaa galbeedka London.

Marxuumka waxaa kaloo uu noqday ku-simaha safiirka Soomaaliya ee dalka Britain ka hor intaan lasoo magcaabin xilkaas, danjire Sambalooshe oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Britain.

Cabdiqaadir Dhuub ayaa wuxuu ahaa mas’uul si aad ah ugu ololeyn jiray soo soo dhaweynta madaxda dalka marka ay booqanayaan ingiriiska, iyadoo aad loogu xusuusto dabci wanaagsan iyo akhlaaq suuban oo uu dadka oo dhan nool kula dhaqmi jiray.

Allaha u naxariistee Dhuub waxay walaalo ahaayeen wasiiraddii caafimaadka dowladdii KMG ahayd ee uu Sheekh Shariif hoggaaminayay, Qarar Aadan Cali oo sidan oo kale ugu dhimatay qarax ka dhacay hoteelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho.

Ibrahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne , Australia